Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qoysaskii ugu badnaa ayaa ayaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay ka barakacay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarnta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle oo dhexmara gudaha Baledweyne. ⓘ Xaafadaha Xaawo Taako, Bundaweyne iyo Kooshin ayaa ah xaafadaha ugu badan ee sida weyn looga  barakacay, waxaana la arkayay qoysaskii...

urburka xooggan ayaa gaaray Waddada isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo, gaar ahaan deegaanka Saqiiro oo qiyaastii  Hobyo kaga beegan 15 km dhanka waqooyi, kadib markii ay daaddad xooggan ay burburiyeen guud ahaa waddadaas. Burburka wadadaan soo gaaray ayaa hakad galiyey isku socodkii gaadiid iyo dadweynaha ee isaga safri jiray degmooyinka gobolka mudug iyo gobolada kale ee...

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay 25 qof oo ay ku jiraan wiilal da’doodu yar tahay, kuwaas oo qorsheynayay in ay ku biiraan argagixisada. ⓘ NISA ayaa sheegtay, dadkani in lagu qabtay meel u dhow Afgooye. Sidoo kale waxay gacanta ku dhigtay darawalkii waday gaariga ay la socdeen oo ahaa bus yar iyo sidoo kale...

Roobab Xooggan oo saacadihhii lasoo dhaafey ka da’ay degmada Berdaale ayaa sababay in Daadad xoog leh ay soo galaan gudaha magaalada, Daadadka ayaa galay xaafadaha magaalada taas oo keentay inay barakacaaan inta badan dadkii degmadaas daganaa, xaaladda ayaa ka sii daraysa marba marka ka dembaysa. Waxaa degmada Bardaale ee gobolka Bay ka maqan adeegii bulshada sida...

Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo arrimaha nabadgelyada ee magaaladaasi kadib iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada. Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa sheegay inaanan hadda ka dib wax hub ahi lagu dhex qaadan karin magaalada, ciidamada amniguna ay ka hawlgali doonaan. Tani ayuu sheegay inay kaga...

7dii Oktoobar 2023 maanta oo kale waa markii uu billowday dagaalka & duqeynta is dhinac socda ee Magaalada Gaza kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan 10,000 oo Falastiiniyiin ah iyo Yuhuud badan oo aan tira-koob rasmi ah laga heyn. Dagaalkaan oo ku billowday howlgal cajiib ahaa oo Xamaas gaar ahaan Guutada lagu magacaabo ‘Duufaan Al-Aqsaa’ ay ku gashay xeryo...

Waxaa cabsi xooggan laga muujinayaa saameynta taban ee ka dhalan karta Daadadka roobka Dayrta iyo fatahaad ay sameyn karaan Webiyada Jubba & Shabeelle iyada oo Dadka degen hareeraha Webiyadaas loogu baaqay in ay feejignaan dheeraad ah ay muujiyeen. Saacadihii u dambeeyay waxaa Muqdisho iyo deegaanno kala duwan oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada ka dhacay kulamo...

Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug. ⓘ Howlgalka lagu xoreeyay degaankan ayaa waxaa horkacayey taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici. Ciidamada...

Richard H. Riley oo madaxweynaha dalka Maraykanka uu u magacaabay danjiraha Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu dhawaan xilka si rasmi ah ula wareego. ⓘ Danjirahan cusub ayaa noqday safiirkii afaraad ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya tan iyo markii xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan uu dib u soo laabtay sanadkii 2013. Richard H. Riley ayaa wuxuu bedelayaa...

Bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Hay’adaha Caafimaadka iyo daryeelka carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo kala gaabiyo UNICEF & WHO ayay ku muujiyeen sida ay ug xun yihiin dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Gaza. Mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin xal u helista dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Gaza si loo...