Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa si wadajir ah usoo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye kala hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga xiriirka labada dal ka dhexeya, la dagaalnaka Alshabaab iyo...

olaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyey qaraar lagu kordhinayo oggolaanshaha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah oo ah illaa 30-ka June, 2024-ka. Qaraarka tirsigiisu yahay 2710, kaasoo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee 15-ka xubnood ee golaha, ayaa u fasaxaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ilaa 17,626 askari...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya dalka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in Xukuumadda ay dedaal ballaaran ugu jirto sidii...

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka digay saamaynta ka dhalan karta ismariwaaga u dhaxeeya madaxweyne Deni iyo kooxaha mucaaradka. Cabdiweli Gaas ayaa jadwalka doorashada ee ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuu ku tilmaamay arrin qatarteeda leh, taasoo uu sheegay inay xasilooni darro ku keeni karo midnimada iyo nabada Puntland. Cabdiweli...

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa sagootiyay danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Nuur Tarsan, wuxuuna uga mahadceliyey howlihii uu u soo qabtay. Madaxweyne Willian Ruto ayaa bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda iyo horumarka deegaanka iyo faa’iidada ay wadaagaan labada...

Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay warbaahinta u sheegen maamulka degmada Baledweyne. Maaamulka degmada Baledweyne ayaa...

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda barakac xooggan oo ay sameynayaan qoysaskii koobnaa ee rejada ka qabay in ay guryahadooda sii joogaan balse waxa ay quusteen kaddib markii uu fatahay Webiga Shabeelle. Roobka Dayrta ah ee Curtay Horraantii Oktoobar 2023 ayaa xareed badan ku daray Webiga Shabeelle waxaana uu ka...

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya madaxweynayaasha dalalka Eretariya iyo Ciraaq. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa dalka Eretariya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaalada gobolka iyo adkeynta xriirka ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana la tilmaamay in...

Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah. Heshiiskan oo caddeynaya xoojinta xiriirka labada dal ayaa waxaa si rasmi ah u kala saxiixday wakiilo ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga. Heshiiska ayaa diiradda...

Taliska ciidanka dhulka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay toogteen qof naftii hallige ah, oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kulliyada jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kooban oo talisku uu soo saaray, ayaa lagu sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidanka, marka laga reebo qofka ismiidaamiyaha ahaa oo ay ciidanku dileen...