Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa duleedka Beledweyne. Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Xerada ciidamada dowlada ee bacaadaha oo ku taalla Duleedka Magaalada Beledweyne. Saraakiisha...

Rag hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Suuqa sarifka ee Pakistan ee ku yaala magaalada Karachi,iyaga oo ugu yaraan dilay 9 qof qaar kalana halkaas ku dhaawacay, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay. Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa,waxaana daka dhintay ku jira afar qof oo weerarka soo qaaday, afar...

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aamo ay kaga soo horjeedaan Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka...

Magaalada Feer Feer oo ku taalla Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo isugu jira Xubno ka tirsan Madaxtooyada, Wasiio, xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo lagu xalinaayo dagaal beeleedyo ka dhacay Nawaaxiga Tuulada Abaaley ee degmada Feer Feer. Xubnaha Wafdiga ayaa...

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraah oo la hadashay warbaahinta dowladda ayaa ka jawaabtay eedeyn ay u soo jeediyeen xisbiyada Mcaaradka ee la xariirtay in ay iska casisho shaqada ay qaranka u hayso maadaama ay ku fashilantay in ay qabato doorasho lagu waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonyahay. Gudoomiye Xaliimo Yaray ayaa...

weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay saq dhexe lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Weerarka ayaa lala beegsaday xero ciidamadaasi ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa lix hoobiye ayaa lagu soo warramayaa inay lagu garaacay saldhigga AMISOM, balse lama...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisinta gobeleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abukar Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Wasiirka,Amniga’xildhibaano, taliyaha ciidamada qeybta 60-aad ee xogga dalka ayaa degmada Walanweyn waxaa ay ka bilaabeen kulamo looga hadlayo Colaada ka taagan degmadaas. Xubnaha wafdiga ayaa kulan kula qaatay Degmada Walaweyn...

Amb, Daahir Maxamuud Geelle wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfafainta Soomalaiya ahna musharax Madaxweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen 13 Xubnood ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare. Mudane Geelle ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in tallaabadaas ay tahay mid daweyneysa dadka ku nool Magaalada Muqdisho...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safar ku tago Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo kamid ah goobaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug. Magaalada Cabudwaaq ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayay u diyaar garoowga soo haweynta wafdiga Madaxweyne Qoor qoor,...

Qaar kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka tirsanaa Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda,iyada oo lagu soo dhaweeyay Xarunta degmada Doolow-Cade ee Magaalada Doolow ee Gobalka liibaan ee deegaanka Soomaalida. Ciidamadaan oo ka tirsanaa guutada Qilfat ayaa waxaa ay ka howlgelayeen nawaaxiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay,...