Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ethiopia ayaa xaqiijisay inay xirtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, tallaabadaas oo sii holcin karta xiisadda qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan gobolka Oromia. Jawar, oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale...

Qaboojiyeyaasha dhaliya Hawada macmalka ah ayaa noqon kara calaamad fure u ah faafitaanka fayriska dilaaga ah ee coronavirus, Sida uu sheegay Pro Harvard Nardell oo ku takhasusay daawada, caafimaadka iyo tan bulshada ee Kuleejka Caafimaadka Harvard (HMS). In kasta oo ay khubaradu horay u soo jeediyeen in qaboojiyuhu laftiisu aanu u horseedi karin infekshan, adeegsiga qaboojinta...

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ururka Naafada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabi jiray, Shariif Mukhtaar Jiis. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in Shariif Mukhtaar...

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in shirkado dhowr ah oo ajaab leeyihiin ay ka Shaqeeyaan Gudaha xerada xalane,kuwaas oo badankood dowladda ogtahay iyo kuwa aysan ogeyn. Waxaa uu sheegay Wasiir Jamaal in hay’adahaas qaarkood ay dowladda Canshuur ka qaado,hayeeshee ay jiraan...

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka jubbaland ahna Gudoomiyaha Guddiga ka hortagga iyo xakameenta cudurka Covid-19  Dr Mursal Mohamed Khaliif aya ka daah furay sheybaarka lagu baaro Cudurka Covid-19 deegaanada jubbaland gaar ahaan degmooyinka Kismaayo iyo Beled Xaawo. Furitaanka Xarumahaan ayaa waxaa gacan weyn ka geystay fuuritaanka shaybaarka Wasarada Caafimaadka...

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ugu baaqay inay fuliyaan awaamiirta badbaadinta Ubadka ay Quraanka barayaan si looga hor-taggo xannuunka Covid19, maaddaama maanta dib loo furayo. Waxaa uu sheegay in Macalimiinta looga baahan yahay ilaalinta habraaca ka hortagga Cudurka...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa duleedka Beledweyne. Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Xerada ciidamada dowlada ee bacaadaha oo ku taalla Duleedka Magaalada Beledweyne. Saraakiisha...

Rag hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Suuqa sarifka ee Pakistan ee ku yaala magaalada Karachi,iyaga oo ugu yaraan dilay 9 qof qaar kalana halkaas ku dhaawacay, sida ay warbaahinta dalkaas sheegtay. Dablayda weerarka gaysatay ayaa bam gacameed ku tuuray albaabka weyn ee dhismaha suuqa,waxaana daka dhintay ku jira afar qof oo weerarka soo qaaday, afar...

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aamo ay kaga soo horjeedaan Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka...

Magaalada Feer Feer oo ku taalla Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo isugu jira Xubno ka tirsan Madaxtooyada, Wasiio, xildhibaano iyo Saraakiil ciidan, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo lagu xalinaayo dagaal beeleedyo ka dhacay Nawaaxiga Tuulada Abaaley ee degmada Feer Feer. Xubnaha Wafdiga ayaa...