Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyey Gobolka Bari

by admin | Friday, May 10, 2019 | 742 views

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 8-dii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanada Buuraleydka Golis ee Gobolka Bari Puntland ,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Kooxda Daacish.

“Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay13 ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish  ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada  Afrika Admiral Heidi Berg.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah,isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay,waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda Daacish.

Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaanada Puntland,waxaana duqeyn 14-kii bishii April ee sannadkan ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob.

Like it? Share it!

Leave A Response