MV Abdullah oo ku wajahan dekedda Imaaraadka ka dib markii ay sii daayeen burcadbadeedda Soomaalida.

by admin | Sunday, Apr 21, 2024 | 30 views

Markabka MV Abdullah oo ka babanaaya calanka dalka Bangaladesh oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah ka hor inta aan la sii deyn 14-kii bishan April 32 maalmood ka dib ayaa gaari doona dekedda Al Hamriya ee dalka Imaaraadka Carabta.

Markabka ayaa laga yaabaa inuu hal maalin dheeraad ah ku sii jiro, ayuu yiri Mizanul Islam, af hayeenka Kabir Group, oo ah shirkadda waalidka ee milkiilaha markabka SR Shipping.
12-kii Maarso, burcadbadeedda Soomaalida ayaa la wareegay gacan ku haynta markabka MV Abdullah, waxayna afduub ahaan u qabsadeen 23 badmaax oo la socday. Markabkan ayaa 55,000 oo tan oo dhuxul ah ka soo qaaday Mozambique kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta xilligaasi.

Markii ay qabsadeen markabka, burcad-badeedda waxay u soo rareen dhinaca xeebaha Soomaaliya, waxayna si joogto ah u beddeleen mowqifkooda. Sagaal maalmood ka dib markii la afduubay markabka, budhcad-badeeddu waxay la xidhiidheen milkiilayaasha iyaga oo u maraya cid saddexaad. Waxaa la sii daayay Axadii hore.

Like it? Share it!

Leave A Response