Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamda dowlada soomaaliya ee  gobolka  hiiraan aya ka soo baxay deegano ay  dhawaan kal qabsadeen ururka alshabaab   ka bixitankaan aya   timid ka dib markii  uu soo kala ddhaxgalay ciidamada  dowlada soomaaliya iyo kuwa  amisom     ee qeybta ka ahaa howlgalaas,tas oo kentay  in y isku qilafan  cida laga armar qaadanayo. xubno ka tirsan maamulka gobolka hiiraan...

Xildhibaanada la magac baxay Badbaadada baarlamaanka oo galabta kulan ka yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Halka ay wax marayaan oo ku aadan Dadaaladii Madaxweynaha iyo Mooshinka Jawaari. Xildhibaanadan oo Boqol ku dhow ayaa Kulan qado ahaa oo ay isugu yimaadeen kadib, waxey Faah faahiyeen waxyaabaha ka soo baxay kulankii ay uga hadlayeen, qorshaha marxaladda xigta,...

Ugu yaraan 4; qof ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen labo kale kaddib markii Rag hubeysan ay raasaas oodda uga qaadeen Gaari ay la socdeen dadka reer Guuraaga ah. Dadka ayaa xilliga ay la kulmayeen weerarka waxaa ay Biyo ka dhaasanayeen Ceel,waxaana Gaariga ay wateen uu ahaa Booyadda Biyaha lagu qaato. Guddoomiyaha Magaalada Bandar Bayla Siciid Anteeno,ayaa sheegay...

Wararka ka imaanaya degaan duleedka ka ah degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta halkaasi ay ka dhacday Duqeyn. Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar uga dhacday degaanka lagu magacaabo Dac oo 20-KM ujira degmada Ceelbuur, waxaana fuliyay Diyaarado Drones ah. Dadka degaanka ayaa waxa ay u sheegeen  warbaahiinta  in Duqeyntan...

Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay dileen 22 ka tirsan dagaalyahannada ururka Al-Shabaab, kadib dagaal shalay barkhadii ka dhacay degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha...

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wada dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyay uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirada. Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Ra’iisal wasaaraha uu isku shaandheyn ku sameynayo Golaha Wasiirada,waxaana Arrinta cusub ay tahay in Liiska Wasiirada cusub ay iska dhex arki doonaan shaqsiyaad...

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa manta ka da’ay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Roobabkan ayaa Biyo dhigay wadooyinka waa weyn ee ku yaalla bartamaha Magaalada Shacabka ku nool magaalada ayaana si aad usoo dhaweeyey.   ...

Maamulka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Guddoomiyaha Degmada Mandera Fredrick Shisia ayaa sheegay in dhismaha uu dib u bilaabi doono Abriil, waxaana uu sheegay Mashruucaan ay fulin doonaan ciidamo iyo shaqaalle is wata. Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kenya...

Dalka Sierra Leone waxaa ka  socota tirinta codadka wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada dalkaasi sidda ay xaqiijiyeen Guddiga doorashadda dalkaasi. Doorashadan ayaa la qabanqaabiyay kaddib markii wareegii koobaad ay musharaxiinta 16-ka ah ay ku guuldarreysteen in midkoodna uu aqlabiyad helo. Goobaha codbixinta ayaa si nabad ah ku soo xirmay markii laga reebo dhacdooyin...

Shaqaalaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaqo gelaya kaddib 17 maalmood oo aysan shaqeyn,maaddaama uu saameyn ku yeeshay ,mooshinkii ay iska wadeen guddoonka Golaha shacabka. Qaar ka mid ah shaqaalaha Golaha shacabka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in maanta lagu wargeliyay in ay shaqada dib  ugu laabtaan kaddib 17 maalmood oo ay ku jireen shaqo joojin iyada...