Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Difaaca Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay dileen 22 ka tirsan dagaalyahannada ururka Al-Shabaab, kadib dagaal shalay barkhadii ka dhacay degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha...

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wada dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyay uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirada. Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Ra’iisal wasaaraha uu isku shaandheyn ku sameynayo Golaha Wasiirada,waxaana Arrinta cusub ay tahay in Liiska Wasiirada cusub ay iska dhex arki doonaan shaqsiyaad...

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa manta ka da’ay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Roobabkan ayaa Biyo dhigay wadooyinka waa weyn ee ku yaalla bartamaha Magaalada Shacabka ku nool magaalada ayaana si aad usoo dhaweeyey.   ...

Maamulka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Guddoomiyaha Degmada Mandera Fredrick Shisia ayaa sheegay in dhismaha uu dib u bilaabi doono Abriil, waxaana uu sheegay Mashruucaan ay fulin doonaan ciidamo iyo shaqaalle is wata. Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kenya...

Dalka Sierra Leone waxaa ka  socota tirinta codadka wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada dalkaasi sidda ay xaqiijiyeen Guddiga doorashadda dalkaasi. Doorashadan ayaa la qabanqaabiyay kaddib markii wareegii koobaad ay musharaxiinta 16-ka ah ay ku guuldarreysteen in midkoodna uu aqlabiyad helo. Goobaha codbixinta ayaa si nabad ah ku soo xirmay markii laga reebo dhacdooyin...

Shaqaalaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta shaqo gelaya kaddib 17 maalmood oo aysan shaqeyn,maaddaama uu saameyn ku yeeshay ,mooshinkii ay iska wadeen guddoonka Golaha shacabka. Qaar ka mid ah shaqaalaha Golaha shacabka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in maanta lagu wargeliyay in ay shaqada dib  ugu laabtaan kaddib 17 maalmood oo ay ku jireen shaqo joojin iyada...

Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali Sanado badan danbi la’aan ugu xirnaa xabsi ku yaalo dalka Talyaaniga ayaa iska diiday Lacago magdhaw ahaan ay usiisay Dowladda Talyaaniga, Maadaama eedihii loo heystay ay waxba kama jiraan noqdeen. Dowladda Talyaaniga ayaa u xukuntay magdhaw dhan 3 Milyan oo Euro,Ninka lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali 17 sano ku xirnaa...

Ururrada bulshada rayidka gaar ahaan SOCENSA ayaa sheegtay in xaaladda ka taagan dalka  ay keeni karto dib u dhac ku yimaada horay u socodka horumarada dalka uu gaari lahaa, iyaga oo soo jeediyay in danta dalka laga shaqeeyo muhiimaddana ay tahay in wax walba lagu xaliyo is afgarad . Diini Maxamed Diini, guddoomiyaha dalladda SOCENSA oo la hadlay Warbaahinta  ayaa yiri...

Dawladda Djibouti ayaa qorshaynaysa Inay iibinayso saamigii ay shirkada DP World ku lahayd dekedda Dooraale. Laakiin, taas waxaa ay shirkaddu ku tilmaantay talaabo kale oo sharci darro ah oo la qaaday ka dib la wareegistii hore. Dawlada Djibouti ayaa wada hadal la bilawday  shirkadada Maraakiibta laga leeyahay dalka Faransiiska ee French Shipping Company(CMA CGM)  si...

DAAWO: MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KA HADLEY DACWADII AY DOWLADA FARMAAJO KA GUDBISEY DOWLADA IMAARAADKA IYO DP WORLD HOOS KA DAAWO MUQAALKA ...