Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidanka xoogga Soomaaliyeed gaar ahaan taliska guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay dagaalyahan kasoo goostay kooxda Al Shabaab. Cali Boorow Macalim Mursal oo looyaqaano ( Cabdi qani Digir iyo ilkacase ) ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga ee jooga Baydhabo, kaddib markii uu kasoo baxsaday...

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahayd falalka amniga liddiga ku ah & ciribtirka ‘AS’. Fiqi ayaa ciidamada ammaanka ku bogaadiyay kordhinta howlgallada ay wadaan si ay uga hortagaan falalka kooban ee nabadgalyada liddiga...

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Cunnadda Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WFP ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dadka ku gaajaysan Jamhuuriyadda Suudaan ee saamaynta taban ku reebtay Colaadda Dalkaas ka jirta. WFP ayaa sheegtay in 18 Milyan oo ruux Dad gaaraya in ay cunno la’aan haysato waxaana ugu sii daran 5 Milyan oo kamid ah Dadkaas oo...

Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya dalka Sacuudiga kaga qayb galaya shirka Isbaheysiga Ciidanka Wadamada Islaamka ee la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisadda. Wafdigaa matalaya dowladda feraalka Soomaaliya, waxaa hoggaaminaya Sareeye Guud Cabdiraxmaan Tuuryare, waxaana uu  gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Shirka oo ay ka qayb-galayaan dhammaan...

Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa lagu soo waramayaa inay dhisayaan ciidamo cusub oo militari ah oo u eg ciidamada shisheeye ee Faransiiska, sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha difaaca caalamiga ah Intelligence Online. Ciidamadan ayaa ka koobnaan doona ugu yaraan 3,000 oo ajaanib ah oo la qorayo waxayna ujeedadoodu tahay in ay xoojiyaan awoodda milatari ee Imaaraadka. Sarkaal...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa duhurnimadii Maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u ambabaxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka...

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxaa xalay ka dhacay dhacdo dad badan aad uga argagaxeen, kaddib markii hooyo la sheegay in cunug yar oo saacado kahor un dhashay ay ku dhax riday musqul . Dhacdadan oo si deg deg ah looga war helay ayaa lagu war-galiyay ciidanka dab-damiska magaalada Burco, waxa ayna ciidanka oo howlgal deg deg ah sameeyay ku guuleeseen in...

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay in mid ka mid ah howlwadeenada baarlamaanku uu ku lug lahaa weerarkii loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, 30 kalena ay ku dhaawacmeen. Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa xaqiijiyay...

Magaalada Belgorod ee Dalka Ruushka waxaa la xiray Goobaha Waxbarashada iyo Dukaamada wax laga iibsado kaddib markii duqaymo cirka ah ay ku beegsadeen Ukraine sida ay sheegeen saraakiil katirsan Xukuumadda Moscow. Duqaymahaan ayaa sababay cabsi wayn oo soo wajahday Dadka halkaas ku sugan waxaana ugu dambayn ka dhashay cabsidaas keentay in albaabada la isugu dhufto Iskuullada...

Ciidamada kumaandooska ee gaarka u tababaran DANAB oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Nabadsugidda ayaa Gobolka Jubada Hoose ka sameeyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’. Saraakiil katirsan Ciidamadaan iskaashanaya ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu ahaa in ay kahortagaan weerarrada ‘AS’ ay ku beegsanayso saldhigyada ciidankaan ay ku...