Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay dadka kasoo horjeeda Maamulkiisa iyo in dhowr jeer loo diiday tegitaanka Magaalada Beledweyne. Cali Guudlaawe oo Khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay Sanad-guurada 5aad ee Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada-hadal la galaan cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka...

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaal degmada Jamaame oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku toogteen laba Nin oo ay u jeediyeen Eedeyn kala duwan. labada Nin ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya midka kalena uu ku Shaqeysan jiray Sixirka. Goobta fagaaraha ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal Ruux...

Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa waxaa la filayaa inay Maanta Magaalada Addis Ababa ku yeeshan kulan xasaasi ah. Kulanka ayaa waxaa ay uga doodi doonaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha dalkaas Sahle-Work Zewde. Warar isa soo taraya ayaa tilmaamaya in laga yaabo in qof Soomaali ah loo magacaabo madaxweynaha Itoobiya, maadaama Soomaalidu ay hadda ka maqan...

Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen ) ayaa sheegay in ay dib u dejin u samaynayaan dadkii dhawaan ay Somaliland kasoo musaafurisay magaalada laascaanood ee gobalka Sool, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed . Waxa uu sheegay in dadkaasi markoodii hore aysan wadin baahi ay qabeen ama abaar haysay balse ay waday Daruuf...

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu maanta xaaladihii ugu danbeeyay ee colaadda Itoobiya warbixin kooban ka siiyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Guteres ayaa si gaar ah uga hadli doono soo eryiddii ay dhawaan Itoobiya dalkeeda kasoo eriday toddoba arkaal oo sare oo ka tirsan saraakiisha laamaha gargaarka ee Qaramada Midoobay. Waa...

Darawalka Soomaaliga ah oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Jaamac ayaa ku dhintay Shil gaari oo uu ku galay wadada weyn ee 94-ta ee magaaladda Chicago, gobolka Illinois ee dalka Mareykanka. Warbaahinta ayaa tebisay in Darawalka Soomaaliga ah uu gaariga la rogmaday, balse ay socdaan baaritaano ay wadaan Booliska Magaalada Chicago. Darawalka Soomaaliga ah ee Shilka ku...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sufan magaalada Addis-ababa ayaa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed. Kulanka ayaa waxaa ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam...

Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Garoowe ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa gacanta ay ku dhigeen Khamri farabadan oo la doonayay in la soo geliyo Magaalada Garoowe Maandooriyaha Khamriga ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland. Taliye ku xigeenka Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe Xidigle...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo xalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in uu Maanta kulan la qaato Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani. Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda dalka  Qatar ,...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa si kulul uga hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee Somaliland maalmihii  lasoo dhaafay ka musaafurineysay magaalada Laascaanood ee xaruunta Gobolka Sool. laftagareen ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid aad iyo aad looga xumaado sida arxandarada ah loola dhaqmey, taas...