Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhanbacad ayaa sheegay in lagu guuleystay in xal laga gaaro dagaalladii ka dhici jiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Waxaa uu sheegay in saddexdii Sano ee lasoo dhaafay wada shaqeyn buuxda ay dhexmartay labada maamul, islamarkaana taasi ay keentay in dadka shacabka ay go’aansaddaan in ay...

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa labo hadal jeedin ah ku yeeshay Shirka 39aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka soconayay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa maalmaha 14-15 Oktoobar oo diiradda lagu saarray baahida loo qabo xoojinta dagaalka ka dhanka ah caqabadaha ku...

Waxaa wali xiran qaar kamid ah Goobaha Ganacsiga ee kuyaal degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagan tahay xiisad dagaal. Wariyeyaal ku sugan Guriceel ayaa Risaala u xaqiijiyay in Ganacsatada ay wali ka cabsi qabaan dagaal dhexmara Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwo Ahlusunna. Ciidamada xoogaga Ahlusunna ayaa difaacyo ka...

Xildhibaan Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka UK ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo lagu qaaday. Amess, oo 69 jir ah, ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, kaasi oo ka dhacayey kaniisad lagu magacaabo Belfairs Methodist Church oo ku taalla deegaanka laga soo doorto ee Leigh-on-Sea oo qiyaastii 64 km...

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimatay in ka badanna waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu ka dhacay gudaha masaajidka shiicada ee magaalada Kandahar ee koonfurta Afghanistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha gobollada. Qaraxa oo dhacay Maanta oo  Jimce ayaa ka dhacay masaajidka Biibi Fatima, oo ah masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada...

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka shabeelle dhexe ayaa tagay deegaanka xaaji Cali iyo Degmada Warshiikh ,waxaana uu intii kormeer uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dar daarmay inay xoojiyaan howl-galada lagu baad baadinayo...

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Soobe, kaas oo ay ku dhinteen boqollaal shacab ah, wuxuuna Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas. Madaxweynaha ayaa...

Dad horleh oo ka barakacay xiisadda ka taagan degmada Guriceel ayaa Maanta waxaa ay gaareen degaanka Ceelbaraf oo kamid ah degaannada hoostaga degmadaas. Dadka oo gaaraya ilaa 50 qoys ayaa Guriceel uga barakacay cabsi la xiriirta dagaal dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada Ahlusunna oo dhawaan la wareegay Guriceel. Wararkii ugu dambeeyay...

Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland  Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay halka ay marayaan dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah, iyadoo wasaaradu ay...