Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa Garowe ka socdo abaabulka mooshin lagu burinayo wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka ee Baarlamanka Puntland ansixiyay Kal-fadhigii hore. Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa  sheegay in uu soo noqday abaabul hoose oo ku saabsan in Kal-fadhiga soo socda lagu buriyo wax-ka beddelkii Xeer-hoosaadka Baarlamanka. Xildhibaannada...

Waxaa goordhow degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka billowday dibadbax ay dhigayaan qaar kamid ah Shacabka degmada, kaas oo ay ku taageerayaan kooxda Ahlusunna ee todobaadkii bore la wareegtay degmada Guriceel. Banaambaxayaasha oo u badan Culimada taaveersan Ahlusunna ayaa socod ku maray wadada dhexmarta Bartmaha Degmada Gurieec. Qaar kamid ah dadka banaanbaxa ka...

Dowladda Kenya ayaa si cad u diiday go’aanka lagu wada inay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ kasoo saarto Kiiska Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Kenya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonin Go’aanka Maxkamadda ICJ kasoo saari doonto Dacwadii ay Soomaaliya geystay Maxkamadda ee Muranka Xuduudka baddda ee Soomaliya iyo Kenya oo dacwadiisa soo bilaabtay sanadkii...

Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khasaare xooggan oo gaaray Alshabaab. Duqeynta oo laga fuliyay meel u dhow magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab lahaayeen oo ay u adeegsan jireen weerarada ka dhanka ah...

UK ayaa xaqiijisay in laga billaabo Isniinta soo socota, 47 waddan la laga saari doono liiska cas, taas oo u sahlaysa dad badan inay u safraan dibadda si ay u aaddan dalalka ay doonayaan. Dalalka laga saaray liiska cas, waxaa qeyb ka ah Soomaaliya, taasoo la micno ah in rakaabka ku soo laabanaya England ee ka tagaya Soomaaliya aan looga baahan doonin inay galaan xaalad...

Guddiga gurmadka dhawaan uu u xilsaartey Madaxweyaha Koonfur Galbeed dhibaatadii loo geystey dadkii laga soo musaafuriyay laascaanood ayaa kulan la qaatey Hay’addaha UN-ka u qaabilsan arrimaha Gargaarka. Kusimaha Madaxa guud ee isku xirka arimaha gargaarka (Humanitarian Coordinator) ahna Madaxa Unicef Dr Mohamed Ayoya iyo madax kale oo ka socotey UNka ayaa warbixino...

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ee Gobolka Galgsduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ee dhawaan  la wareegay degmadaas ay Maanta bilaabeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay howlgal u aadeen degaano hoostaga degmada Guriceel, sida degaannada Jaw Burujeed &...

Wasiir Gaashaandhigga Xuluumadda xilgaarsiinta Senator Xasan Xuseen Xaaji ayaa aaladda foggaan aragga uga qeyb galay Shirka 1037 Ee Golaha Amniga Midowga Afrika. Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Golaha xaalada Amniga ee Soomaaliya iyo dagaalka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM kula j jiraan Al-Shabaab. SIdoo kale Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyey Golaha kulamo...

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gadooday, iyaga oo la wareegay kastamka Canshuuraha lagu qaado ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Galmudug. Koontoroolka ay Ciidamada gadoodsan la wareegeen ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, hayeeshee ay si nabad ah uga tageen markii ay u yimaadeen Ciidamada katirsan daraawiishta...

Wasiirka  Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda Wafdi ka socday dowladda Sweden oo uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Mr. Per Lindgärde, Petra Smitmanis Dry Madaxa hay’ada horumarinta Iskaashiga Caalamiga Sweden ee loo soo gaabiyo (SIDA ), iyo Kormeerayaal ka socday Wasaaradda...