Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay degaanka Buq-dharkayn. ⓘ Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare sare, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub. Wareysiyo laga qaaday maxaabiista...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay hakiyeen muddo saddex bilood ah bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. ⓘ Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid Soomaaliya oo ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab. Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka...

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka duulay magaalada Abu Dhabi ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta. ⓘ Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaasi kaga qeyb galo  shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka furmi doona magaalada...

Ciidamada SSSC- Khaatumo ayaa waxay dab qabad siiyeen tuulada Buq-dharkayn oo u dhow degmada Oog, sidoo kalena in ka badan 120km waqooyi Galbeed uga beegan Laascaanood. ⓘ Degaankaan ayaa waxaa ka dhacay iska-hor imaan u dhaxeeyay ciidamada SSC- Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ku dhintay in ka badan 5 ruux oo labada dhinac. Ciidamada SSC- Khaatumo oo ku gacan...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha Wasiirrada Xukuumadda, kaas oo lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedyo. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey  Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi. Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa ka dhacay xaafada Jabad Geele oo ka tirsan deegaankaaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in bamka lagu weeraray xarun ay shirkadda isgaarsiinta...

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheega qaar ka mid ah degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka uu saameen ku yeeshay Roobabkii ka da’ay guud ahaan dalka. Guddoomiye Barre ayaa sheegay deegaano hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose u uku fatahay wabiga, halkaas oo ay ka dhasheen...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto. Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel...

Hay’adda isku xirka gagaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa shaacisay in lagu howlan yahay sidii loo daad gurayn lahaa illaa 2,400 oo qof oo ku go’doonsan fatahaada ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo. ⓘ Hay’adda OCHA oo ka jawaabaysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doomo loo diray magaalada Luuq, si loogasoo daad gureeyo dadka...

Wararka ka imaanaya deegaanka Phillipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay halkaasi ku dileen laba muwaadin oo Soomaali ah. Burcada hubeysan ayaa labada Muwaadin ee Soomaaliyeed oo ku dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka Phillipi, waxaana la sheegay in dilka kadib ay dhaceen...