Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah xiriiraya hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof. Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya. Adam Abdelmoula...

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal Islaam oo dhowr ah oo aan weli cambaareyn aflagaadad ay gabar ka tirsan xisbiga maamulka India ee BJP u gaysatay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم. Dalalka Islaamka ee illaa hadda cambaareyey gefka India ayaa kala ah; Imaaraadka Carabta, Turkey, Oman, Indonesia, Iraq, Maldives, Jordan, Libya, Bahrain, Kuwait, Iran,...

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dib u dhaca ka jawaabida looga hortagayo macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul. Qaramada Midoobay ayaa musiibo degdeg ah ku tilmaamtay xaaladda 213,000 qof oo ka mid ah dadka ay sida xun u saamaysay abaarta, kuwaas oo qeyb ah qiyaastii 7.1 milyan oo Soomaaliya ku...

Muddo 5 Cisho ah ayaa la la’aa Alle u Naxariistee Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo ahaa Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo kunoolaa Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareyanka, hayeeshee ugu dambeyn meydkiisa la helay. Wiilka oo dhiganayay Jaamacadda Minnisota ayaa baaritaano ay sameeyeen Ciidamada Amniga waxaa ay ku guuleysteen inay meydkiisa kasoo saaraan...

Boqorka dalka Belgium-ka, boqor Philippe ayaa booqasho taariikhi ah ku tegey dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku yaalla gobol ay si naxariis darro ah ula dhaqmeen ugana faa’iidaysteen gumaystihii dalka Belgium, xilligii ay dalkaas maamulayeen. Safarka boqor Philippe oo qaadanaya muddo lix maalmood ah ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxweyne Felix Tshisekedi,...

Ciidanka amniga Xaafada Ceelqalow ee Waaxda Koowaad ee janeral daa’ uud ee dagmada Wadajir ayaa xalay gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah oo dadka ku dhici jiray xaafadaha Ceelqalow iyo Buula xuubey. Ragga la qabtay oo 5 gaaraya ayaa sida aan wararka ku helnay watay Mooto Bajaaj ay dadka ku dhici jireen, waxaana xilliga la qabanayay ay is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo...

Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen “Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo. Ilaa iyo hadada dadka Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay...

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii la soo shaqeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinkii ay HirShabeelle ku qabtay nimaadkii Farmaajo. Wuxuu sheegay in dowladii uu Farmaajo hoggaaminayey ay kor uga eked dowlad, balse gudaha aan looga shaqey jirin sharci dowladnimo, isagoo...

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Guddoomiye Jawaari oo wareysigaan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaamay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Inta badan degmooyinkii la xoreeyey markii aan madaxweynaha ahaa muddo xileedkii koowaad, mar kale ayey gacanta ka baxeen,” ayuu yiri madaxweyne...