Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa  ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo haruurka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay. Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen...

Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee uu ku weeraray taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad. Hadalkaas oo ku jiray horudhaca wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyey, ayuu ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan aqoon fiican u laheyn, Mahad Salaad, oo haddii uu aqoon lahaa...

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah wiilka hoggaamiyaha guud ee xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halka ay ku dambeeyaan ciidamadii iyo saraakiishii u dagaalamay hoggaamiyeyaasha Ahlu-Sunna iyo sida uu u arko hadafka ay ku dagaalamayaan. Wuxuu sheegay in culumada Ahlu-Sunna ay ka soo jeedaan dadka deegaanka,...

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in terndhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022. Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo Magaalada la saaray bandow kasoo...

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan tiro madaafiic ah oo xalay abbaara 2:00 habeenimoku dhacay Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madaafiicda ay...

Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka socota diyaar garowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro xafladda Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa beri oo Khamiis ah. Madaxda iyo wafuuda berri ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya...

Waxaa Maanta lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan wufuud Heer Caalami ah iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada kajira dalka si ay uga qeyb galaan Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Maalinta Berito ah ka dhaceysa Magaalada Muqdisho. Shalay waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda qaar kamid ah wadamada Caalamka,...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la bilaabayo dhawaan dhismaha Golaha degaanka Magaalada oo kamid ah Magaalooyinkii ugu horreeyay ee yeesha Golle degaan. Waxaa uu u mahad celiyay Guddoomiyaha Magaalada Cadaado oo uu sheegay in uu ka tanaasulay in uu markale u tartamo...

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada u haystay olole la sheegay in guri loogu dhisayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Ololahan oo siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa dadka wada waxa ay ku tilmaameen mid Farmaajo loogu mahadcelinayo, maadaama uu “si wanaagsan u ilaaliyay amaanadda qaranka.” Dadka dhaliilsan...

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Alle ha u Naxariistee waxaa ay xalay Gudaha wadankaas ku dileen laba Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa Dhalinyarada ka Shaqeysan jiray dalkaas. labada dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay kudileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafada Kalija ee...