Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dil Sababay Haasaawo Wa daag Ka Dhaxeeyay Will Iyo Gabar ayaa ka dhacay Deegaanka Kadiye Oo 12 Km mitir U Jira Dhuusamareeb . Waxaana Qoonsaday ama (Dhibsaday ) Ninkale Ugu Danbeeyna Sababay In Uu Dilo Waa Mid Kamid ah Dhacdooyinka Ugub Ka Ah . Adiga sidaas ma sameyn laheed gabdhaha waa macquul kkkk sax maseerkooda badan?   ...

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xerada Ciidamada ee Xaafada Sheelare oo ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir uu isku daldalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ilo xog-ogaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalkaas oo lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed uu xarig qoorta surtay,sidaasina uu isku daladalay,isaga...

Magaalada Buulo Burde ayaa waxaa manta ka dhacay munaasabada xuska 42 sano guuradii ka soo wareegtay markii la Aas-aaska ciidamada Qaranka Jabuuti. Munaasabad ayaa waxaa ka qeybgallay ayaa waxaa ka qeybgallay saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, mas’uuliyiinta maamulka degmada , waxgarad, ururka dhalinyarrada, Saraakiisha ciidamada dowlada Ciidamada Jabuuti ee qeybta...

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay “in ay u badan tahay in dad dawlad salka ku haya ay ka dambeeyeen weerarradii lagu qaaday afarta markab ee xeebaheeda ku sugnaa. Weerarradii dhacay 12 bishii Maajo waxay ahaayeen kuwo “farsamadoodu sarrayso oo abaabulan,” sida ay ku sheegay warbixinta ay soo saartay. Isutagga Imaaraadka...

Guddomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Hiiraan C/qaadur Maxamed Arxaaw ayaa casilay xilkii uu haayay Maamulka Gobalka Hiiraan Waxuu is casilaadiisa u Sababeeyay Wadaad Shaqeyn Laan Bahsan Ee Ka Jirto Maamulka iyo Cadaalad darro uu sheegay in uu ka shaqeyn waayay. Waa Masuulkii ugu horeeyay ee kamid ah Maamulka Gobalka Hiiraan ee is casila tan iyo Markii Hirshabelle...

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa jimcaha Maanta ah  booqan doona magaalada Khartoum si uu u dhex-daadiyo hogaamiyayaasha milatariga haya talada dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan safaaradda Ethiopia ee Khartoum. Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha...

Xilli shalay Magalada Baladweyne laga dhagax-dhigay dhismaha Saldhig ay ku Shaqeyn doonaan Booliska Hir-Shabeelle ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa uu baaq u diray Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan Magalada Baladweyne. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar( Dabageed) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saldhigyada ay horay Baladweyne...

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland,waxaana la sheegay in ciidankaan ay fulin doonaan Amar kasoo baxay Somaliland oo ahaa soo qabashadda Saraakiishii ku biirtay maamulka Puntland. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ay tageen degaanada,Yubbe, Hadaaftimo,Damal-xagarre...

Ciidamada Liyuu Bolis Ee Dowlad Deegaanka Somalida Dhulka Itoobiya Xooga Kuhaysato Oo kasoo Talaabay Xadka Dhinaca Gobolka Hiiraan Ayaa Ilaa 5 Gaadiidka Loo Yaqaano Cagaf Cagafta Iyo 10 Qof Oo Beera Qodato Ah Ka Af Duubtay Agagaarka Deegaanka  Xuday Wagle  Oo Qiyaastii 35Km Dhanka Waqooyi Kaxiga Magaalada Baladweynbe Waxana Ay Ukexeeysteen Gudaha Dhulka Ay Itoobiya Maamusho...

Ku dhawaad  40 qof ayaa laga soo saaray webiga Nile ee mara bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum kaddib markii howlgal rabshado horseeday lagu qaaday dad dibadbaxyo dhigayay, sida ay sheegeen u ololeeyaasha mucaaradka. Dhakhaatiir lala xiriiriyay mucaaradka ayaa waxay sheegeen in meydadka ay kamid yihiin 100 qof oo la rumeysan yahay inay dileen laamaha ammaanka...