Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wafdi u hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa ku soo dhaweeyay  masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ugu horeyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. Socdaalka ra’iisul wasaare ku xigeenka waxaa ku weheliya wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wasiir...

Wasiirkii hore ee amniga gudaha haddana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay xukunka saraakiil ka tirsan dowladda ayaa Xukuumadda ka codsaday in shaqadooda dib loogu celiyo saraakiisha lagu waayey dambiga. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa ku...

Nin ganacsade ah oo lagu eedeyay inuu si sharci darro ah usoo raray qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho ayaa la waysan yahay meel uu ku sugan yahay, kadib markii booliiska Kenya ay xireen bishii may ee sanadkan. ⓘ Qareenkiisa, iyo qoyskiisa waxay ku andacoonayaan in Zakariya Kamala Sufi Abashiekh ay 5-tii September xireen shaqsiyaad sheeganaya...

Boliiska dalka Kenya dhinacooda ismaamulka Embu ayaa xabsiga dhigay labo wiil oo walaalo ah, kuwaa oo la sheegay in garaacis nafta uga qaadeen nin xiriir jaceyl lalahaa hooyadood. Sidoo kale, Wiilashan oo da’dooda kala aheyd 19-sanno jir iyo 30-sanno jir ayaa si xun u garaacay ninka hooyadood xiriirka jaceylka lalahaa, falkan oo dad badan kacaroodeen ayaa ka dhacay tuulada...

Marka la joogo saaxaadadda Siyaasadda Soomaaliya, badanaa Siyaasiyiinta kolka ay la hadlayaan Bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa ay ku dhawaaqaan in dhallinyarada Soomaaliyeed ay Bulshada ka yihiin 75%, haddane ma jiro tirokoob rasmi ah oo laga sameeyay Soomaaliya dhowr iyo sodonkii sano ee la soo dhaafay. Waxaase muuqata in Soomaaliya tahay dal da’yar oo dadkiisu...

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhaw xukunno kala duwan oo xabsi ah ku riday qaar kamid ah masuuliyiintii iyo saraakiishii lagu helay in ay galeen eedeymo musuq maasuq, halka maxkamadda dib xuriyadooda ugu celisay xubno lagu waayay dambi. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaana ku dhawaaqay xukunnada lagu riday masuuliyiinta iyo saraakiisha u xirnaa musuq...

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo Alshabaab  ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb. ⓘ Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, Ciidamada ayaa ku guulaystay in labada gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb. Waxay dowladdu...

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Maxkamada gobolka Banaadir ay soo gabagabeyso dhageysiga dacwada loo haysto 11 eedeysane oo isugu jira masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan hay’addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya. ⓘ Xubnahaan oo isugu jira masuuliyiinta iyo saraakiil ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta horey ugu soo eedeysay musuq maasuqa xatooyo...

Xoghayaha Difaaca ee dowladda Mareykanka Lloyd Austin ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la joogteeyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. ⓘ Lloyd Austin ayaa sheegay inay jiraan dib u dhacyo ay la kulmeen ciidanka militariga Soomaaliya, oo mararka qaar ay caawinayaan ciidamada Maraykanka ee Afrika. Xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dolwadda Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haaji iyo wafdi sare uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Dowladda Galmudug. Guddoomiye Luqmaan iyo wafdigiisa waxaa si diiran magaalada Dhuusomareeb ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin ka tirsan labada golle ee maamulka Galmudug. ...