Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay ka bad baaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Mudug ayaa la keenay Muqdisho. Masuuliyiintan iyo dad kale oo kusoo dhaawacmay weerarkii deegaanka Laas-gacamey ayaa diyaarad gaar ah lagu keenay Muqdisho, waxaana lala tacaalayaa...

Waxaa bannaanka usoo baxay hadallo in badan afka lagu hayay maalmihii u dambeeyay oo ah in militariga afgambiga ku qabsaday Dalka Niger uu beegsanayo muwaadiniinta faransiiska kaddib markii Dowladdoodu diiday in isaga baxdo dalkaas. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaciyay In safiirkiisa Niger Sylvain Itte iyo diblumaasiyiin la joogtay lagu afduubtay Niamey...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 21aad ayaa xukun toogasho ah ku ridday Shariif Abshir Cabdiraxmaan (Shariif Jinni) oo lagu eedeeyay in uu dilay Saacid Cali Cabdi (Shabeel) oo ay kawada katirsanaayeen Ciidanka Xoogga. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xukun sanad xabsi ah ku ridday Mursal Maxamed Cabdi (Canjeex) oo dhankiisa ku eedeysan in uu qalqalgelin ka geystay Degmada...

Waxaa la saadaalinayaa in tirada dadka Soomaalida ah ee Kenya u dhashay ay kororta tobannaanka sano ee soo socda. Saadaasha ayaa ku salaysan isbeddelladataranka dadwaynaha ee hadda waxaana taageeray xogta Sahankii Qoyska ee u dambeeysay. Sahanku wuxuu daaha ka qaaday in tirada qoysaska Soomaaliyeed ay ka badan yihiin qoysaska qowmiyadda kale ee dhanka taranka. Raggu waxay...

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay wakiil u fadhindoona dalka Kenya. ⓘ Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in Sadiiq Cabdulahi Bogale loo magacabay wakiilka Jubbaland u fadhin doona dalka Kenya. Hadda ka hor, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu isku dayay inuu wakiil u magacaabo Kenya, balse...

Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin, marka laga reebo diyaaradaha adeegyada u keena ciidanka ATMIS ee ku sugan Baledweyne. ⓘ Waxaa la tilmaamay in xirnaashaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne...

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen nawaaxiga deegaanka Ceel lahelay oo shalay dagaalo xoogan ku dhexmareen ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaas. ⓘ Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaha dhowr gantaal ay la beegsadeen goobo la...

Hoggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Fidhiye ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in degaankiisu uu helo xaquuqdiisa Soomaalinimo. ⓘ Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay dagaalkii Laascaanood ka dhacay inuu salka ku hayay labo aragtiyood oo kala ah, aragti midnimo doon ah  iyo aragti gooni goosad ah. Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay...

WAR- SAXAAFADEED Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey. Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa...

Waxaa soo baxay faahfaahino la xiriira qarax  ka dhacay guri ku yaal magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.     Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu geystey qasaare xoog leh waxaana ku dhintey illaa shan ruux halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.     Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa guri ay dhawaan soo...