Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta furay kal-fadhiga 6aad ee Baarlamaanka 2aad ee Dowladda Koonfur Galbeed. Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si...

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray Garoonka cusub ee Diyaaradaha Degmada Cadale oo dhismihiisu uu gabo- gabo marayo. Booqashadaan loogu kuurgalayay Dhismaha Garoonkaan waxaa ka qeyb ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil...

Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa war kasoo saaray xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiija Aadan Daahir, kadib fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka China, kaas oo ay ka qayb-gashay Nasra Abuukar oo gashay kaalinta u dambeysa. Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka ee marka magaciisa lasoo...

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shan wiil oo aad u yar yar aano qabiil loogu dilay degaan hoos-tago Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhalle Degmada Gallaadi. Wiilashan la dilay oo kan ugu weyn uu jiro 13-sanno jir ayaa la sheegay xilliga la dilayay ay ka tageen goob xaflad aroos ah ka socotay, waxa ayna wiilashan seexdeen meel u...

Mareykanka ayaa wadahadal la furay militariga afgambiga ku qabsaday talada Dalka Niger ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika si uu u kala ilaaliyo in ay xiriir la sameystaan Kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wegnah ee Dalka Ruushka. Diblumaasiyiin sare oo katirsan Mareykanka ayaa sheegay in ay Militariga xukunka awoodda ku qabsaday ay u bandhigeen sidii Madaxweyne...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay abaabulka xooggan ee la dagaalanka ‘AS’ ayaa ku baaqay in guud ahaan taageero xooggan loo muujiyo howlgalka wajigiisa labaad ee dhowaan Dowladdu sheegtay in uu billaabanayo. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii qof weliba uu doorkooda uga qayb qaadan lahaa doorkooda...

Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan maamulka magaalada Dhagaxbuur ayaa faahfaahin ka bixiyay dil labo habeen ka hor loogaystay wiil Bajaajle ahaa oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdi Khaliif, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Dhagaxbuur ee dowlad degaanka Soomaalida. ⓘ Haddaba Booliska maamulka magaalada Dhagaxbuur oo kulan la yeeshay Shacabka magaalada Dhagaxbuur...

Wasiirka amniga Dowladda Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe), ayaa sheegay in dowladdu diyaarisay 15 kun oo askari oo ka qeyb galaya wejiga labaad ee howlgallada dalka looga xoraynayo kooxda Alshabaab. ⓘ Wasiirka amniga ayaa sheegay in todobadii bilood ee ugu dambeysay ay dowladda federaalku ku jirtay diyaarinta iyo qalabaynta ciidamada ka qeyb...

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay aroornimadii hore ee saakay deegaanka Mukayle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan. ⓘ War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ka dhacay deegaanka Mukayle lagu beegsaday...

Qayb ka mid ah beeralayda jaadka ee Miiruu ee dalka Kenya, ayaa jaray geedkii Miiraaga sababo ay ku tilmaameen in ay Dowladda Kenya dayacday. Waxay sheegeen in dowladdu ay xoogga saarayso wax soo saarka kale ee dalka. ⓘ Sida ay sheegeen beeralayda, wax soo saarkooda waxaa saameeyay ganacsatadii suuqa koontaroolaysay, taasoo keentay in beeraleyda ay lacago ka sameeyaan...