Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa maanta baaqday kulankii lagu waday in xildhibaannada golaha shacabka ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaddib cabsi laga dareemay xildhibaannada qaar oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumadda. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa ku qanciyay guddoomiyaha golaha shacabka in maanta dib u dhigo fadhiga baarlamaanka, waxa ayna...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab. Ninkan ayaa maxkamadda ciidamada u sheegay in ii kooxda Al Shabaab kaga biiray deegaanka Buur-Eylo oo degmada Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray bishii Lacag dhan $70 ah. Yuusuf Duqow...

Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo xooggan ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose. Ciidankaan ayaa si gaar ah uga howlgallaya deegaanno hoostaga Degmada Afmadow oo waxaa u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan deegaanno in ka badan 10 sano gacanta ku heysay ‘AS’...

  Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin Sufurow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka deegaanka ay wadaan howlgallo ka dhan ah AS. Sufurow waxa uu tilmaamay in howlgallada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo guud ahaan lagu doonayo...

Hay’adda Samafalka Muhaajiriinta ee The Walking Borders waxay maanta oo Axad ah sheegtay in la la’ yahay ugu yaraan 300 oo Muhaajiriin ka soo shiraacday dalka Senegal, kuna soo wajahnaa Jesiiradaha Canary Islands ee dalka Spain. Dadkaasi ayaa la sheegay inay 3 doonyood kaga soo tahriibeen Tuullada Kafountine ee Koonfurta dalka Senegal oo masaafo ahaan 1700 KM u jirta...

Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa baaq kasoo saaray xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay wax-kabadelka dastuurka Puntland ee ka taagan magaalada Garawe . Qoraal ay soo saareen xildhibaannadan kasoo jeeda Puntland ayey ugu baaqeen maamulka Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda...

Wararka ka imaanaya degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaan hoostaga degmadaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen , kaddib markii haweeney kamid aheyd dadka deegaanka dil u geesatay haweeney kale. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in haweeney lagu magacaabo Calaso Muxumed toorey ku dishay haweeney kale oo lagu magacaabo Nasro Cabduqaadir Maxamed...

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa kooxda Al-shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Xagar oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. ⓘ Deegaanka Xagar oo ay la wareegeen ciidamada is garabsanaya ayaa qiyaas ahaan degmada Bu’aale oo ah Caasimadda rasmiga ee maamulka Jubbalad u jirta ilaa 80 KM, halkaas oo ah taliska...

  7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jicibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. ⓘ   Qaraxaan oo dhacay shalay gelinkii dambe, ayaa Saraakiisha deegaanka waxay sheegeen in dadka dhintay oo lix rag ah iyo qof dumar ah ay ka soo jeedaan laba qoys oo...

Kumaandoska xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan Magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Al-shabaab. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee degmada Afmadow Mahad Islaam oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysay howlgalka ayaa xaqiijyey iney la wareegeen degmada Xagar Degmada Xagar ayaa qiyaas 80 KM ah u jirta...