Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay fiidkii bartamaha magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool loogu geystay xoghayihii xisbiga Kulmiye ee gobolkaasi, oo hada talada haya. Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa ka dambeysay dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Barkhadle Cabdi, waxaana uu ahaa nin aad u firfircoon oo shaqadiisa ku ad adag. Dad goobjoogayaal...

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Shir Gudoomiyay Kulan ku saabsan AMniga Caasimada oo ay ka qeybgaleen Golaha Amniga Qaranka. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Ciidanka Booliska, Waxaa Goob Joog ahaa; Wasiirka Amniga Somaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida, Kulanka ayaa...

Waxaan halkan Tacsi Tiiraanyo leh ugu direynaa dhamaan dhalinyarada Reer Tiyeeglow iyo Ceelgaras geerida naxdinta leh ee magalada muqdisho ka dhacdey oo dilka loogu geestey dhalinyarada Deeganka gobolka bakool degmada Tiyeeglow iyo Ceelgaras lagu laayey oo gacan ka xaqdran dishey inaa lilaah wa ina ileyhi Raajicuun Allow Janadii Fardowza ka waraabi AmiiAamiin Aamiin.   ...

Munaasibad lagu caleema saarayo guddoomiyaha cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan Golaha shacabka. Mursal ayaa la doortay 30kii April,waxaana uu beddelay Maxamed Sh.Cismaan Jawaari kaas oo xilka horay ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub. Guddoomiyaha cusub ayaa shir guddoomiyay...

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaan dhaca duleedka degmada Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Duqeyn Diyaaradeed ayaa xalay saq dhexe waxa ay ka dhacday halkaasi, taasi oo ay fuliyeen Ciidamo cadaan iyo Soomaali isugu jira. Diyaaradaha ayaa kahor inta aysan Duqeynta fulin oo ay wadeen sahmin ayaa waxa ay arkeen dad Khudaarley ah oo meel fadhiyay, waxaana...

Ra’isalwasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahatiir Maxamed ayaa sameeyay soo laabasho siyaasadeed kaddib markii uu 15 Sano ka maqnaa maamulka sare ee dowladda Malaysia. Waxaa uu hore 22 Sano u ahaa Ra’isalwasaaraha Malaysia intii u dhaxeysay 1981dii ilaa 2003dii,waxaana uu kaddib ka baxay xisbiga talada hayay isaga oo sameystay mid mucaarid ah oo ay ku jiraan hoggaamiyayaashii...

Dowladda Qatar ayaa si adag waxay u cambaareysay weerarkii Isqarxinta ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Aargada Muuri oo ku taalla Bartamaha Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxan oo uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay ayaa waxauu beegsaday Suuq yar oo lagu iibiyo Qaadka, wuxuuna halkaasi ku galaaftay nolosha dad ka badan 8 qof, halka uu dhaawacay...

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay gudaha u galeen degaanka Baxdo oo 90-KM ujira Magaalada Cadaado, sida ay inoo sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah. Ragga Shabaabka tirsan ayaa waxa ay gudaha degaanka la galeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah, waxayna tageen Masjidka ugu weyn ee degaanka, halkaasi oo dadka degaanka ay kula hadleen. “Way yimaadeen...

Al Shabaab, ayaa  fagaare ku yaalo degaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Haweenay lagu eedeeyay in ay guursatay 11 nin sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Al-Shabaab. Dilka Haweenayda ayaa waxaa loo adeegsaday dhagax , Maadaama ay ku xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa...

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran. Isaga oo ka dhex-hadlayay qolka diblamaasiyadda ee Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in heshiiskani yahay mid liita oo hal dhinac ahaa, isla markaana ay mudneyd inaanan marnaba la gelin. Trump, wuxuu carrabka ku adkeeyay...