Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Midowga Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS (ex-AMISOM). Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isku dhacyada ciidan ee inta badan ka dhaca baraha koontaroolada. Xamza ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta dowladda ay sabab u yihiin isku dhacyada ciidan ee baraha koontaroolada magaalada Muqdisho ka dhaca, kuwaasi oo aanan u hoggaansamin awaamiirta...

Ciidamo gurmad u ah xoogagga SSC kana tirsan Puntland, balse u abaabulan hab beeleed ayaa gaaray Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hib aad u farabadan ayaa xalay ka soo baxay magaalada Qardho,si ay qayb uga noqdaan xoraynta gobolka Sool. Mas’uuliyiin kala duwan iyo Saraakiil Ciidan ayaa kusoo dhaweeyay Ciidamada...

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay kulan ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Guddoonka Aqalka Sare ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in uu Maanta jiro Kulanka Aqalka Sare, waxaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay kala yihiin. 1.Qaybinta Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo Wax-ka beddelka Dastuurka...

Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga waxay shaaciyeen inay 211 Muhaajiriin laga soo badbaadiyey meel 28 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Jesiirada Lampedusa ee dalkaasi. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa lagu xusay inay Muhaajiriinta oo la socday Dooni Kalluumeysi ay khatar ugu jirtay inay Mowjadaha kacsan la tagaan. Mid ka mid ah Muhaajiriinta...

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin: 1. Ka doodista Warbixinta...

Ciidanka kumaandooska Danab, gaar ahaan urur 5-aad iyo ciidanka nabad sugida dawlad goboleedka jubbaland, ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose, waxay ku dileen Xubno ka Tirsan Alshabaab. Hawlgalka ayaa lagu dilay 13 Xubnood oo  Alshabaab ah islamarkaana uu  ku jiro Xubin sare oo lagu magacaabo...

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u muuqata inay sii lumineyso qabaa’ilka Soomaalida. Dadka waxay masuugsan yihiin hanaanka xil bixinta ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Ku dhawaad 50 digreeto oo labada xafiis ee dalka ugu sareysa kasoo baxday tan iyo 15-kii May ayaa ku dhawaad 40 kamid ah loo leexiyay beesha uu madaxweynuhu ku metalo saami-qeybsiga...

Tan iyo markii Al-Shabaab ay magaalada Muqdisho ka billowday dagaalka ay kula jirto ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada, waxay ku lifaaqeen xeelad cusub oo ku ogaanayaan bulshada iyo dadka ka ganacsada daroogada. warbaahinta oo la hadashay dhowr ganacsade oo looga shakiyay inay iibiyaan taabuuga iyo daroogada ayaa sheegay in goobahooda ganacsi ay marar kala...

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka qaybgalaya shir looga hadlayo deegaanka oo lagu wado in uu ka dhaco Dalka Gabon ee dhaca Bartamaha Afrika ayaa sheegay in uu soo dhammaaday gumeysigii Dalalka Yurub gaar ahaan Faransiiska ee Qaaraddaan. Macron ayaa Afrika ugu baaqay in iskaashi wanaagsan ay wadaagaan, saldhigyada uu ka saaray ciidamada dalkiisa ka socday ee...