Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maanta oo kale 3-da bisha May Sanadkiiba mar ayaa waxaa Magalada muqdisho iyo Guud ahaan Caalamka waxaa laga xusaa Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka, iyada oo ay dhacaan munaasabado kala duwan. Maanta oo ku beegan 3-da bisha May Sanadka 2019 ayaa waxaa Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya lagu qabanayaa munaasabado ay dhigayaan qaar ka mid...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Kulan wadatashi ah layeeshay qaar kamid ah Wasiirada & Agaasimayaasha Wasaarada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka. Kulan ayaa waxaa looga wada hadlay sidii wadashaqayn dhow ay u dhexmari lahayd Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS & Kuwa Maamul Goboleedyada Dalka. Waxaa...

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Bariire ee gobolkaas oo shalay Gelinkii hore ay Ciidamada Dowladda la wareegeen. Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana...

Atirishada caanka ah ee Bollywood-ka awood balaaran ku lahaan jirtay Preity Zinta ayaa banaanka soo dhigtay sida hadda ka hor SRK qalbiga kaga xaday marka ay wada duubayeen hees ku jirto filimka hirgalay Veer Zeera balse xidigtaan qalbigeeda marka ay hadashay baraha bulshada ayaa lagu maadeestay, Preity Zinta waxay tiri “Marka aan sameeneynay heeska Main yahaan hoon...

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay go’aankii uu maanta isku casilay wasiirkii warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego. Fiqi ayaa sheegay in Daahir Geelle...

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre. Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii...

Maxamed Nuur oo ahaa Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay u dhalatay dalka Australia  oo aan hubaysnayn. Falkaan ayaa dhacay  15 Luulyo sannadkii 2017, waxaana labaddii sano ee lasoo dhaafay ku socotay Maxkamadeyn kala duwan. Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka...

5 Burcad-baddeed Soomaali oo ay Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee loo yaqaano EU NAVFOR ay bishan April 21-dii gacanta ku dhigeen ayaa loo gudbiyey Jesiiradda Sishilis ee kaabiga ku haysa Badwqeynta Hindiya. Saddex ka mid ah Burcad-baddeeda ayaa la sheegay in lagu dhaawacay Hawlgalkii lagu so oqabanayey, waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Jesiiradda Sishilis. Wakaalladda...

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka mid ah baarlamanka Hirshabeelle  islamarkana ku sugan magaalada Baladweyne ayaa ka dalbaday maamulka Hirshabeelle, ganacsatada iyo dowladda federaalka in la socod siiyo lacagta shilinka Soomaaliga oo in muddo ah laga isticmaalin magaalada Baladweyne. Xildhibaan kala dire  ayaa sheegay in Isticmaal la’aanta lacagta shilinka...

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Caawa Muqdisho kulan kula qaatey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Sheekh Shariif oo ay wehlinayeen Xubno ka mid ah Xisbigiisa ayaa guddoomiyaha Aqalka sare waxaa ay iska xog-wareysteen xaalada dalka iyo wadashaqeyn dhexmarta Xisbiga iyo Xubnaha...