Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada Taabta iyo Kulbiyow ee Gobolka jubbada Hoose,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigyada Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ay ku leeyihiin degaannada Taabta iyo...

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay Guri ay degan yihiin Qoys danyar ah oo ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,waxaana ka dhashay khasaro dhimasho ah iyo burbur hantiyadeed. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayana Dabka ay ku geeriyoodeen Afar Carruur ah oo saddex kamid ah ay walaalo ahaayeen,waxaa sidoo kale basbeelay Gurigii ay deganaayeen. Goobjoogayaal...

  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay u direysaa wafdi xaqiiqo raadin ah,kuwaas oo baaritaano ku sameynaya wixii sababay diyaaradii shalay burburtay. Wafdiga ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar,kaasi oo ka mababaxaya...

Duqa Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa kasoo horjeestay tilaabadda baarlamanka Puntland ay ku doonayaan in ay ku xaraashaan xaruntoodii ay ku shiri jireen oo ku taalla Bartamaha Garowe. Waxaa uu  sheegay in dhulka uusan laheyn baarlamaanka Puntland, islamarkaana ay tahay xarumaha danta guud ee Puntland gaar ahaan Magaalada Garowe ayna doonayaan...

Wararka laga helay magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad kusoo dhacday garoonka diyaaradaha taas oo gar-gaar u waday dadka gobolka. Sida wararka ay tilmaamayaan, Diyaaradaasi ayaa aheyd nooca xamuulka, waxayna gar-gaar u siday dadkii ay fatahaadaha saameeyeen ee gobolka Hiiraan. Waxay kasoo duushay magaalada Jabuuti. Saddex shaqaale oo diyaarada saarnaa ayaa...

Maxkamada gobolka Banaadir oo maanta la horgeeyay Wariye Cabdicasiis Axmed Guriye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa kasoo horjeesatay in aysan awood u la aheyn qaadida Kiiska Wariyaha  oo todobaadkii hore Qareenada Wariyaha u dooday ay ku sameeyeen is horistaag. Waxa ay Maxkamadu sheegtay in ay Kiiska Mar kale dib u dhigtay. Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir...

Wararka naga soo gaaraya Agagaarka Xerada Maslax ee degaanka Garasbaaley ee  Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay ka dib markii Derbi uu kusoo dumay dad barakacayaal ah. Dadka Barakacayaasha ayaa derbiga la sheegay in ay kaga jireen roobka, waxaana geeriyooday Afar Carruur ah. Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray...

Xaalada amni ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid kasoo dareysa muddooyinkan dambe, xili ay labo toddobaad gudaheeda ay magaalada ka dhaceen qaraxyo xoogan, halka kuwo miino oo toban ku dhow lala beegsaday ciidamo kala duwan. Magaalada Muqdisho oo bilihii hore u muuqatay mid ka nasatay qaraxyada argagixisada ayaa bishan marti-gelisay qaraxyo dhowr ah, iyada...

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdulahi Maxamed Xasan ayaa ka jawaab celiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ee ahaa in dowladda federaalka aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa tilmaamay in Goodax Barre uusan awood u laheyn...

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu saacaddaha soo socda uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Diyaargarowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota Magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono...