Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xiray afar xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Magaalada  Gabilay. Xildhibaanada oo laga soo xiray Gabilay ayaa loo dhaadhiciyay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa halkaas oo lagu xiray xarunta danbi baadhista. Xildhibaanadan ayaa horseed ka ahaa mooshin la doonayay in xilka laga qaado Duqa Gabilay arrintaasi oo muran...

Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha  xisbiga Conservative ee dalka UK isagoo noqonayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Johnson oo hore u soo noqday duqa London ayaa ka guuleystey wasiirka arrimaha dibadda Britain jeremy Hunt. Waxana lagu wadaa in berri oo Arboco ah loo dhaariyo xilkaas kadib markii ay xafiiska baneyso  Theresa May. Khudbad uu jeediyay...

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin ku saansab in la helay sir ku saasban in dowladda Qatar ku lug leedahay qaraxyo ka dhacay Magalada Boosaaso,isla markaana looga gol leeyahay in Imaaraadka uu joojiyo howlaha maalgelinta ah ee uu ka wado Puntland. Hayeeshee waxaa Warkaasi beenisay Dowladda Qatar, iyada oo sheegtay in Dowladda Qatar...

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso maamulka gobolka Banaadir si uu qeyb kaga noqdo maamul goboleedyadda dalka ka jira. Xildhibaanada ayaa xusay in dhammaan Shacabka gobolka Banaadir ay la kulmayaan dhibaatooyin maamul xumo, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa...

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Cali (Xagaa)  iyo Taliyaha Qaybta 21aad  Janeraal Yuusuf Cabdilqaadir (Kaanti) ayaa waxaa ay gaareen degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud. Mas’uuliyiintaan ayaa halkaasi waxaa ay ka wadaan  fulinta wajiga Labaad ee Qorshaha Ciidamada kaas oo ah Xareynta Askartii dhawaan laga diiwaan geliyay Dagmooyinka...

Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ku dhawaaqday waqtiga la dhageysanyo dacwada Saddex Nin oo loo heysto falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Bishii Febaraayo ee Sanadkaan Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 13 Jir ah. War qoraal ah oo kasoo baxay  kusimaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland...

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday baabur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay waddo amnigeeda aad loo ilaaliyo oo ku taalla caasimadda Muqdisho. Kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa oo lagu bartilmaamedsaday koontaroolka ugu horreeya ee laga galo garoonka...

Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ay la soo deristay dadkii ka barakacay dagaal beeleedyadii dhawaan ka dhacay tuulooyin hoostaga degmadaasi Matabaan. Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada degmada Matabaan Ducaale Aadan Cabdi Ciise ayaa sheegay in dagaal beeleedkii ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ay sababeen...

Mudaharaad ayaa saaka ka dhacay magaalada Caynaba ka dib markii shalay golaha Wakiiladdu u ansixiyeen inay noqoto darajadda C, halka ay doonayeen in laga dhigo darajadda (B) oo uu madaxweynuhu u balanqaaday markii uu ololaha ku jiray in uu hal darajo kor u qaadayo. Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay ansixiyey wax ka bedelka iyo kaabis lagu sameeyey xeerka degmooyinka...

Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin oo fadhigiisu yahay Buuraha Gobolka Bari ee Puntalnd ayaa mar kale kasoo muuqday muuqaal ay kooxda Daacish baahisay, isagoo ballan cusub ama beyco la gelaya hoggaamiyaha ugu sareeya Daacish Abubakar Albaqdaadi ee ku dhuumaaleysana dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Sheekh C/qaadir Muumim oo muddooyinkii danbe la sheegay...