Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Soomaaliland saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamo farabadan geysay deegaano hoostaga Magaalada Ceerigaabo. Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka oo laga kala qaaday deegaannada Tukaraq & Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in la geeyay Buuraleyda Ceerigaabo oo...

Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow Warbaahinta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ,Waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen Khasaaraha ka dhashay Qaraxa. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku...

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxii maanta ka dhacay xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho. Dadka dhintay ee la xaqiijiyay waxaa ka mid ah: Gudoomiyaha Cabdicasiis Sabaax Cabdullahi Asad. Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi Agaasimaha nadaafadda Cabdifataax Cumar Xalane Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka...

Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa goor dhow ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Gudoomiyaha gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Muqdisho ayaa waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa, waxaana la sheegay in Qaraxa uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay. Xaaladda...

Wararka naga gaaraya Xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhacay Gudaha xarunta, waxaana warar qaar ay sheegayaan in Qaraxa uu geystay ruux isa soo miidaamiyay. Xilliga uu dhacayay Qaraxa ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ka socday shir looga hadlaayay Ammaanka Caasimadda. Wararka...

Maxkamadda Boosaaso ayaa xorriyadooda dib ugu soo celisay afar qof oo uu ku jiro guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada bartamaha ee Boosaaso Sheekh Maxamed Macalin oo lagu xiray saldhigga bartamaha ee Boosaaso. Xubnaha dib xorriyadooda u helay oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan howlaha dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso. Guddigan...

Safiyo Xasan Sh, Cali Oo ah Duqa Degmada Baladweyne oo Kudhawaad bil Kamaqneed Magaalada Baladweyne ayaa dib ugu laabatay baladweyne waxaaxa dadkii soo dhaweeyay ay u sheegtay in aysan aqoonin qof jeceleysi iyadoona sidoo kale sheegtay in dadkii nadaafada ka shaqeynaayay mudadii bilka ahaa  ay helidoonaan xuquuqdii ay lahaayen.   http://www.reegaay.com/wp-content/uploads/2019/07/Safiyo-Xasan-Sh-Cali-Oo-ah-Duqa-Degmada-Baladweyne-ayaa-mudo-bil-ah-ka-dib-ku-laabatay-baladweyne-24-7-2019-sax-.mp3 ...

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Maamulka Hir-Shabelle ku leeyihiin Garoonka Macmalka ah ee degmada buulo burdo,waxaana halkaasi...

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xiray afar xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Magaalada  Gabilay. Xildhibaanada oo laga soo xiray Gabilay ayaa loo dhaadhiciyay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa halkaas oo lagu xiray xarunta danbi baadhista. Xildhibaanadan ayaa horseed ka ahaa mooshin la doonayay in xilka laga qaado Duqa Gabilay arrintaasi oo muran...

Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha  xisbiga Conservative ee dalka UK isagoo noqonayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Johnson oo hore u soo noqday duqa London ayaa ka guuleystey wasiirka arrimaha dibadda Britain jeremy Hunt. Waxana lagu wadaa in berri oo Arboco ah loo dhaariyo xilkaas kadib markii ay xafiiska baneyso  Theresa May. Khudbad uu jeediyay...