Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in dil uu ugu hanjabay Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed. Xildhibaannadan oo la baxay kuwa isbeddel doonka ee degaannada Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhaba...

Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu arkayaa Ciidamo Boolis ah oo baaraya Gaadiidka kala duwan ee adeegsanaya Waddooyinka Magaalada. Ciidamadan ayaa lagu arkayaa inta badan Isgooysyada muhiimka ah iyo sidoo kale jidadka qaar ee Magaalada,waxaana ay baaritaan gaar ah ku sameynayaan Gaadiidka kala duwan. Booliska lagu daadiyay Isgoysyada Muqdisho ayaa si gaar ah...

Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen madaxda dowladaha ku bahoobay urur goboleedyada IGAD. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qeyb galay kulankaas oo looga hadlayay colaada Koonfurta Suudaan, oo ugu dambeyn dhinacyadii isku hayay ay...

Biro dhaadheer ayaa lagu jaray Jidcadayeyaasha ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Darawaladda ku shaqeysta Mootooyinka ee Isticmaala  Wadooyinka Muqdisho. Qaar ka mid ah dadka aan u shaqeyn dowlada ee aan heysan Aqoonsiga dowladda ayaa mari jiray Wadooyinka ay hadda Biraha lagu jaray, Maadaama Wadooyinka...

Garoonkii diyaaradeed ee kali ahaa ee ka shaqaynayay caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa duulimaadyadii meel kale u weeciyay ka dib markii gantaallo lagu weeraray. Ma jiraan dhimasho ama burbur kale oo durba la soo sheegay in ay gantaalladaasi ka gaysteen garoonka diyaaradaha ee Mitiga International Airport ka dib weerarkii habeennimadii Talaadada. Garoonkan diyaardaha...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo u ambabaxaan dalka Itoobiya. Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Magalada Adis Ababa uga qeyb geli doono Shir ay yeelanayaan Madaxda Wadamada ku midoobey Urur Goboleedka IGAD. Shirkaas ayaa waxaa ka horeeyey shir gaar ah oo ay...

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo mooshin laga soo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir. Waxa uu sheegay Xareed in mudane Casir ay mooshin kasoo gudbiyeen 89 xildhibaan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay 10 cisho gudahood inuu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyey. Sidoo...

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas weerar ay ka geysteen diyaarado dagaal. Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Mubaar ay ku dileen xubin ka mid ah AL-shabaab kuwo kalena ku dhaawaceen. Bogga Twitter-ka ee NISA, qoraal lagu qoray waxaa lagu sheegay...

Wasaaradda warfaafinta Galmudug ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso maamulkooda, islamarkaana iska horkeeneyso shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug. Wasiirka wasaaradda wasaaraddan, Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay waddo qorsheyaal ay ku dooneyso iney ku burburiso heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna. Sidoo kale, wasiirka ayaa uga digay...