Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Malaayiin qof oo xujey ah ayaa maanta waxa ay billaabayaan gudashadda acmaasha xajka. Xajka oo ka mid ah 5 tiir ee Islamka ayaa waxa sanad waliba daafaha caalamka ka soo xajiya muslimiin badan kuwaasi oo gaara Makka iyo Madiina. Soomaali badan ayaana waxa ay ka mid yihiin muslimiinta tirada badan ee sanadkan xajinaya. Xujeyda Soomaaliyeed ayaa ka badan Sanadkaan, Sanadkii...

Kofi Annan, oo ahaa xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee hawlaha bani’aadamnimada, ayaa ku  geeriyooday  da’da 80 jir goor dhow sidda ay xaqiijiyeen diplomaasiyiin caalami ah. Wuxuu ku dhashay Kumasi, Ghana, 8-dii April 1938, wuxuu ahaa xog-hayihii ugu horreeyay ee ka soo baxa shaqaalaha Qaramada Midoobay. Koofi...

Sidda ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa iscasilay inta badan Mas’uuliyiintii maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Wasiiro, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Rashiid Isaaq, Gudoomiyaha Golaha dhexe Khadar Ismaaciil ayaa la xaqiijiyay in ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in ay Iscasileen. Mas’uuliyiintaan ayaa la...

Ugu yaraan 3 Qof ayaa dhimatay halka ay saddex kale ku dhaawacmeen inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Warguduud oo ka tirsan Dhulka Soomaalida Kenya. Weerarka ayaa lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen dad Rayidka ah,waxaana la huwiyay Rasaas xoog leh oo sababtay dhimashada lix qof. Gaariga ayaa ku socday Waddada isku xirta Ceelwaaq iyo Warguduud,waxaana KOoxda jidka u gashay ay...

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlaayay xeritaanka barnaamijka bandhiga carwada buugaagta ee Muqdisho ayaa sheegay in amniga ka jira caasimada ay sahashay in dad ajaaniib ah ay ku soo dhiiradaan in ay yimaadaan Muqdisho. Waxa uu tilmaamay Ra’isal Wasaaraha in isbadal weyn oo dhanka amniga ah uu ka jiro Muqdisho sidaasi darteedna ay...

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare in uu iscasilo. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in Madaxweynaha  uu xilka haayay Muddo hal sano ah, islamarkaana Golaha Wasiiradda Hirshabeelle aysan waxba qaban. Maxamuud Siyaad Barqadle oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa warbaahinta...

  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu maanta ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ee dalka Turkiga. Madaxweyne Farmaajo waxaa Khudbad ka jeedin doona kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan dagaal u dhaxeeyay labo beelood, kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka Magaalada Kismayo. Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ay ku guuleysteen in ay hubka ka dhiggaan Kooxihii dagaallamayay, islamarkaana ay aqbalaan wadahadal. Beelaha ayaa ku dagaallamayay...

Jug xoogan ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay  warbaahinta  u sheegeen qaraxan in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, uuna ka dhacay aagga wadada Taleex. Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay qaraxan inay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada...

Maxamed C/llaahi Fiidoow, oo uu dhowaan xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle  ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu ku sameeyay Wasiir Caadle. Fiidoow, waxa uu sheegay inuusan ka warqabin xilka qaadista, balse uu ka maqlay oo kaliya Warbaahinta, waxa uu usheegay in uu wali yahay guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi maadaama...