Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay waxa qeybo ka mid ah degmada Dharkeenlay ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen. Al-Shabaab ayaa sheegtay...

Dabal daga sand guuradii 58 ee ka soo wareegtay markii xornimada ay qateen gobollada koonfureed iyo midowgi labad gobol ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Munaasabada ayaa wax ka soo qeyb galay Xubno ka socda maamulka Gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada dowlada kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool. Magaalada Baladweyne. Taliyaasha ...

Waxaa  xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo ammaanka sugaya. Sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Banaanbax lagu xusaayo 1-da Luulyo in uu maanta ka dhacayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis. Wadooyinka...

Umad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaawaan ah, kuwaasoo la xuso lagana sheekeeyo halgamadii iyo maalin waliba waxay wanaag iyo tiiraanyo umada u leedahay. Maalmahahaas ayaa waxa ka mid ah maalin qaran, mid qoys iyo mid shakhsiyadeed oo midba mudnaanteeda loo xuso, taasoo mudan in mid walba mudnaanteeda la siiyo oo xuskaas...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda...

Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in  maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika. Shirkan caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika ayaa ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah. Madax...

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa shaaciyay in uu xilkaas ka tagayo, taasna ay ugu wacantahay siyaasadaha Trump ee uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midoowga Yurub oo uu kusoo rogay canshuuro dheeraad ah. Safiiro kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan la shaqayn karin Trump, islamarkaasna aysan matali karin Maraykanka iyada...

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ka soconaya diyaargarowgii ugu dambeeyey ee munaasabadda Kowda Luulyo, maadaama ay tahay markii ay gumeystihii Talyaaniga ka xoroobeen gobollada Koonfureed ayna midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur. Shacabka B/weyne oo aan kala har lahayn ayaa doonaya in maalintaan ay si weyn u xusaan. amniga magaalada  ayaa...

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dab ayaa xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka kacay qeybta keydka daawadda, waxaana la sheegay in uu jiro Khasaare aan badneyn oo ka dhashay dabkaasi. Gaadiidka Gurmadka degdeg ah ayaa ku guuleystay daminta dabkaasi oo la sheegay in uu kusii faafaayay qeybo ka mid ah Isbitaalka Dayniile. Qaar ka mid...

Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Buundo loo maro degmada Qoryooley oo ay qarxiyeen Al-Shabaab. Buundadan ayaa isku xirta Qoryooley, degaanka Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Sh/Hoose. Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay. C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka...