Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey kulanka  23-aad ee Golaha Xukuumadda Puntland, kaas oo khamiis walba la qabto. Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyey ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka...

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta la kulantay ergeyga gaarka ee ka hortagga macluusha iyo arrimaha bani’aadanimada ee UK iyagoo ka wadahadlay sii horumarinta xiriirka iskaashi ee dalalka Soomaaliya iyo UK. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka ee dowlada federalka ayaa uga warbixisay wafdigan xaaladaha bani’aadanimo...

Afar askari oo ka tirsan ciidanka Sudan ayaa ku dhintay 12 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay xuduudda Sudan iyo Itoobiya. Ra’isul Wasaaraha Sudan Cabdulaahi Xamduuk ayaa warbixin ka soo saaray dagaal ciidanka Sudan iyo ciidanka Itoobiya oo ay la socdaan maleeshiyo Itoobiyaan ah ku dhax maray xuduudda Sudan iyo Itoobiya. Xamduuk ayaa sheegay in fiidkii talaadada...

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Wafdi ka kooban Wasiiro ka tirsan Galmudug kuwaas oo hordhac u ah  Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo ku wajahan. Wasiirka Warfaafinta oo wafdiga kamid ah ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha halkaasi tegi doonaan, isla markaana looga baahan yahay maamulka degmada iyo...

Wasaaradda Dhalinyaraha iyo Ciyaaraha Soomaaliland ayaa joojisay tartanka Kubadda Cagta Gabadhaha ee Gobolada Soomaliland, kaas oo la filayay in uu Maanta ka furmo Magaalada Hargeysa. Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha Soomaliland Cabdirashiid ceeydiid Yaasiin ayaa ku sheegay sababta ay tartanka u joojiyeen in Diinta Islaamka aysan ogoleyn,...

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay xalay weerareen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Jasiirada Kudhaa oo ka tirsan Gobobolka Jubbada hoose. Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la sheegay in  uu degaanka Kudhaa ee  Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas...

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay qoraal deg deg ah kasoo saareen xaalada Maanta ee Magaalada Muqdisho iyo Ciidamo ay sheegeen in la dul-dhigay Xarumaha qaar ee Musharixiinta. Qoraalkooda aya musharixiinta waxaa ay ku cambaareeyeen Ciidamo ay sheegeen qaarkood la dul-dhigay xeritaanka wadooyinka qaar ee Muqdisho ay xireen Ciidamada dowladda,...

Koox ka kooban 10 saynisyahanno caalami ah ayaa u safri doona magaalada Shiinaha ku taalla ee uu ka soo bilowday Covid-19, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). Beijing ayaa ka caga jiideysay inay oggolaato in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxayna qaadatay bilooyin badan oo wada xaajood ah si WHO loogu oggolaado inay tagaan magaalada.   ...

Ururka Daacish ee Soomaaliya Wilaayadda, ayaa soo saartay muuqaal  cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda  mar kale ku dhawaaqday inay cadow ku yihiin Alshabab. Muuqaalka cusub oo la soo duubay, waxay Daacishta ku riddaysay Al-Shabaab, Taalibaan iyo Al-Qaacida. Daacish waxay sheeganeysaa inay fashilisay shirqoolo badan oo ay ka dambeeyaan Alshabab. Fiidiyowgu wuxuu...

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kana mid ah Xubnaha Midowga  Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta dowladda ay maanta wadooyinka u xirtay ay tahay inay ka hortagto xus loo dhigayo askartii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Xarunta Xisbiga wadajir 17-kii Bishii December ee sanadkii 2017. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa...