Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa tababar socon doona muddo laba maalin ah looga daah furay in ka badan 25 wariye oo isugu jiro wiilal iyo gabdho waxaana tabarkan soo qaban qaabiyay ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed FESOJ. ...

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay qaabkii uu u wajahay dhaawacyada qaraxii Ex-Control iyo inuu ugu tagay diyaaraddii maanta u qaadday dalka Turkiga. Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “CEEB LOOMA DHINTO! . Madaxweyne Farmaajo amnigoodii markii uu ilaalin waayay, Isbitaaladii la dhigayna...

Ciidamada amniga ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa. Gaarigaan ayaa lagu qabtay  magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo sidda ay xaqiijiyeen Ciidanka Booliska degaanka. Waxa ay sheegeen in gaarigaan  noociisu yahay NOOHA, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa la doonayay in lagu weeraro xarumo ku yaalla...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qaaday Barkootarool oo ay ciidamada waaxda canshuuraha ku lahaayeen Isgoyska Ex Kootarool Afgooye. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qarxan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo baaxad leh inkastoo tiro rasmi ah la ogeyn, haddana goobta uu qaraxu ka...

Afar dhalinyaro ah oo saddex kamid ah dumar yihiin ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay saqdii dhexe  ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Waxaa sidoo kale shilkaan ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii qeybta booliiska gobolka Nugaal, Cismaan Maxamuud Buraale, kaasoo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka Garowe. Taliyaha...

dolwada  hose  ee magaalada  baladweyne ayaa bilowday in ay lacag  7  dolar ah ka qaado  dadka nafaada ka shaqeya  ee magaalada  baladweyne ee xarunta  gobolka hiiraan waxaana dadka qaar ay sheegen in ay jirto dhibaato haysto dadka  magaalada baladweyne ee xarunta  gobolka hiiraan. ...

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo jooga Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulamo la yeeshey madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda. Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimah Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  sheegay isagoo...

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ku sugnaa Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle si xal looga gaaro xiisad ka taagan degmadaaas,hayeeshee la soo sheegayo in wax natiijo ah aysan kasoo bixin Wada-hadaladaas. Gudoomiyahii hore ee degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in aan...

Magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malasia waxaa maalintii sadexaad ka socda shir Madaxeed ay leeyihiin dalal dhowr ah oo Muslimiin ah, kaasoo ay uga hadlayaan qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu ad-adag ee heysta dunida Muslimka. Dalal dhowr ah oo Sacuudigu uu ku jiro ayaanan ka qeyb galain shirka. Sacuudigu waxa uu sheegay in shirkaasi uu qaadacay inuu baal maray ururka...

Magaalada Beledweyne gaar ahaan xarunta Dhexe ee Saldhiga Booliiska waxaa maanta lagu qabtay munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 20 December oo ku beegan maanta oo kale 1943 kii Aas-aaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaa ka qeybgalay munaasabada mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulka gobolka Hiiraan,  saraakiisha ciidan,...