Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hoggaamiyihii Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed Qasim Al-Raymi lagu dilay howlgal laga fuliyey gudaha dalka Yeman. Howlgalkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ciidankiisa ay dileen hoggaamiyahaas oo xilkaas hayey tan iyo sanadkii 2015. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hoggaamiyaha la dilay ayaa...

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa Khamiistii sheegtay in ay baabi’in doonto hodantinimada dalalka Khaliijka ee ku dhisan saliidda, 15-ka sano ee soo socda, haddii aysan sameyn is-beddelo misaaniyadeed. Lixda dal ee la iskiu yiraah Golaha Iskaashiga Khaliijka, ee kala ah Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta, oo hodantinimadooda ay gaareyso...

wasiirkii arrimaha sharciga Rwanda, Evode Uwizeyimana ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu kala tuuray haweeney waarddiye ah.Isniintii ayay aheyd markii wasiirka uu tallaabadan ku dhaqaaqay, sida barta Twitter-ka uu ku shaaciyay qof goob jooga ah. Evode ayaa raali gelin ka bixiyay dhacdada isla markaasna ka qoomameeyay waxa dhacay. dad badan ayaa arintaan soo dhaweeyay...

Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xiray xafiiska guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu amray in maamulka gobolka Nugaal ee magaalada Garoowe ay ka tirsan tahay uu xiro xafiiskaas, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Febraayo 6, 2020. Qoraalka...

Golaha wasiirada Sudan ayaa maanta sheegay in hoggaamiyaha dalkaas Jeneral Abdel Fattah al-Burhan uusan ra’iisul wasaaraha Israel u ballan-qaadin “hagaajinta xiriirka” labada dal. Al-Burhan, oo madax ka ah golaha xukuma Sudan, ayaa wada-hadallo aan horey loo qorsheyn waxa uu magaalada Entebbe ee dalka Uganda Isniintii kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin...

Xadka Qaynuuniga ah;– Xaq ayuu u leeyahay qof kasta in uu si madaxbanaan u cabiri karo Ra’yiiisa una faafin karo,taasi waxay ka midtahay Xuquuqda aadamiga ah ee caalami ahaan la wada aqoonsanyahay. Macnahu ma,ahan markii sidaas la leeyahay in dadka lo ogolyahay in Ra’yigooda iyo afkartooda ay u cabirkaraan si xadka aadamiga ah dhaafsiisan.taasi wadamda sharcigu ka...

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah ay Ciidamo horleh geyso degmooyn ka tirsan Gobolka Gedo. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolk Gedo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Ciidamada oo kamid ah kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad la geynayo degmada Beled-Xaawo oo uu shalay safar deg deg ah ku tegay...

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse laamaha amniga ayaa fashiliyeen. Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xiriiraa Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi...

Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixisey xaalada muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan oo ah Magaalada uu ka bilaawdey Cudurka Coronavirus. Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay u kuurgaleen xaalada Caafimaad ee muwaadininta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada Wuhan ee Dalka Shiinaha,isl markaana...

Dalka Kenya waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay aad u xoogeystay xiisadda siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha ka dhalatay barnaamijka dib u heshisiinta ee BBI, kaas oo ay ku midoobeen, hirgelintiisana ay lahaayeen Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradaka, Raila Odinga laba sano kahor. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa muuqatay in siyaasiyiinta taabacsan...