Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Burundi ayaa shaacisay in ay dhimeyso tiradda ciidamada ee ka joogo Soomaaliya kadib markii codsi uu kaga yimid Midowga Afrika, codsigaasi oo ahaa in Ciidamada u dhashay Burundi ay dalkooda hooyo u laabtaan in badan oo kamid ah. Saraakiil u hadlay Burundi ayaa  sheegay in Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya ee...

Qarax oo loo maleynayo in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay xaafada Buundoweyn ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaraxa xoogisa ayaa laga maqlayay xafada qaar ee magaalada Beledweyne in kasto aan la ogeyn cid lala beegsaday. Dhanka kale xiir aan la sameynay dadka ku dhaqan xafada Buundoweyn ayaa noo xaqiijiyay in uu Qaraxa ka dhacay xaafada...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni...

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay  nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA. NISA ayaa sheegtay hawlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen. Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin...

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari iyo sidoo kale qeybo kale oo kamid ah Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa ku baaqday dagaal ka dhan ah kooxda kale ee jihaadiga ahi ee daacish ee ka hawlgasha qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan...

Xoghayaha difaaca Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegay inuu shaqada ka tagayo bisha February. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Tweeter-ka soo dhigey inuu howl-gab noqonayo Gen. Mattis bisha February ee sanadka dhalanaya. Balse Gen. Mattis ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay inuu shaqada uga tagayo ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen Madaxweynaha, Arrintan waxa ay...

Xubno ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku yeeshay shir ay ku dhalleeceeyeen falalka dowladda ka waddo mamaulkooda. Xildhibaanada waxa ay soo saareen war-saxaafadeed qodobeysan oo ay uga hadleenn xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, farogalinta doorashada  Koonfur Galbeed iyo dhibta lagu hayo...

Magaalada Jowhar oo ah caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa noqotay magaalo ay kawada tagaan madaxda maamulka Hirshabeelle , Kan gobolka iyo kan degmada Jowhar. Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay ma jirin kulan wasiiro oo ka dhacay magaalada Jowhar, sidoo kale ma jirin dhaqdhaqaaq maamul maadaama afarka masuul ee ugu sareysay ay ka tageen magaalada. Waxaa sido...

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donalt Yomomoto ayaa lagu eedeeyey inuu doorweyn ku lahaa magacaabista ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, taasi oo awooddii maamulka dalkaas ka bixisay gacanta Igrayga. Saraakiishii hore ee maamulka Tikreega ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay iyaga ka dambeeyeen in talada dalka Ethiopia loo gacan geliyo Abiy Axmed oo...

Is jiijiid dheer kadib tanaasulkii Shariif, xiritaanki Roobow, banaabaxyadii Baydhaba, waxaa gebi ahaanbi lagu kale baxay doorashadi madaxtinimada ee Koonfur-galbeed taasoo muddo dhowr jeer baaqatay, si kastaba ha ahaatee, Cabdicaziz Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa  ku guuleystay madaxweynaha Koonfur-galbeed. Haddaba aan halkan idinku soo gudbiyo seddex waxyaabood...