Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa guud ahaanba ka joojiyey ciyaaraha caalamiga dalka ku yaalla qaaradda Afrika ee Sierre Leone oo lagu eedeeyey in dawladdu soo farogelisay xidhiidhka kubadda cagta dalkaas. Xayiraaddan ayaa timid markii guddida la-dagaallanka musuqmaasuqa dalkaas ee ACC ay shaqada ka joojiyeen laba sarkaal oo ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta...

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wada-hadallo la bilowday tababarihii beddeli lahaa Jose Mourinho oo la filayo in shaqada uu ka tago. Ilo wareedyo Manchester United gudaheeda ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ed Woodward oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka tirsan Manchester United ay wada-hadallo la yeesheen tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino,...

Halyeygii hore ee xulka qaranka England ee Gary Lineker ayaan xadkeeda dhaaftay huwiyey xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi. Gary Lineker  oo waraysi siiyey telefishanka Barca Tv ka hor ciyaarta Tottenham iyo Barcelona ee Arbacada, ayaa waxa uu sheegay in Leo Messi uu yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee abid dunida soo mara, isla markaana aanu la mid ahayn binu-aadamka...

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Arsenal ee Aaron Ramsey oo uu dhamaanayo qandaraaskiisa Gunners marka uu dhamaado xili ciyaareedku. Wada-hadallo u socday Arsenal iyo Ramsey oo lagu doonayey inuu qandaraas cusub u saxeexo ayaa la sheegay inay burbureen kaddib markii laysla af-garan waayey qodobbo la xidhiidha mushaharka uu qaadan...

Xaaladda tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sii xumaanaysa, waxaanay inta badan isku kacsan yihiin ciyaartooyada kooxda oo si toos ah qaarkood ugula murmeen xerada tababarka. Xidhiidhka u dhexeeya Paul Pogba iyo Jose Mourinho ayaa intii uu xili ciyaareedkani bilaabmayba meel xun marayayey, waxaana ay dhowaan xerada tababarka isku weydaarsadeen hadallo kulul...

Jose Mourinho waxa uu si shaaric ah safkiisa hortooda ugu canaantay Alexis Sanchez kahor inta uusan ka reebin kooxdii wajahday West Ham Sabtidii. Sanchez waxaa gebi’aaanba laga reebay kooxdii u safartay London taas oo guushii saddexaad oo horyaalka ah soo gaadhay. Mourinho waxa uu doorbiday Anthony Martial xilli Sanchez wali uusan gool ka dhalin dhammaan  tartaada ol’olahan. Saxafiga...

Manchester United waxa ay eryi kartaa Jose Mourinho toddobaadkan sida ay xogo hoose qabaan kaddib guuldaraddii West Ham ee Sabtidii. Tani waxa ay ka dhigan tahay bilowgii ugu xumaa ee ay United sameeyso horyaal tan iyo 1989-90 halka uu cadaadiska ku sii kordhayo Jose Mourinho. Mourinho waxa ay meeshii ugu xumeyd ka mareysaa isaga iyo Paul Pogba xili uu ka siibay kabtannimadii...

Kulanka ugu adage e La Liga waxa uu dhexmari doonaa Real Madrid iyo Atletico Madrid maanta. Labadan dhinac ee isku xifaaliya Madrid Derby ayaa doonaya in midba kan kale uga horumaro dharbaaxada hore ee horyaalka sanadkan. Real -Dani Carvajal jug ayuu qabaa laakiin waxaa suurtagal ah in lagu qasbo kulanka Atleti in uu dheelo ...

Xiddigaha kooxda chelsea ee Jorginho, Callum Hudson-Odoi Iyo Álvaro Morata ayaa qabsaday tartan laadka ah kadib markii ay dhamaysteen tababarka kooxdooda kuwaas oo ku tartamayay in ay kubada la helaan calaamado ay shabaqa dhex dhigeen. Álvaro Morata ayaa laadkiisii ugu horeeyay si la yaab leh meel cidla ah u laaday oo aan xitaa shabaqa dhexdiisa ahayn taas oo keentay...

Koox ammaan oo gaareysa 1,600 ayaa ilaalin doona nabad galyada kulanka Madrid Derby ee  u dhexeeya Real Madrid ee Santiago Bernabeu. Kulanka waxaa lagu qiimeeyey mid halis,sidaas daraadeed waxa dowladda hoose ee Madrid waxa ay go’aansatay in ay soo kordhiso ciidaada ammaanka. Kulanka Madrid Derby waxaa la filayaa in ay u soo daawasho tagaan taageereyaal gaaraya 77,000. Atletico...