Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa isbitaalka guud ee degmada Balanballe hadda lagu dabiibayaa gabar qabalaha Ariqaruuf loogu gaystay kufsi wadareed ayna gaysteen sida la sheegay ciidanka liyuu police ee dawlad deeganka soomaalida. Gabadhaan oo ahayd gabar yar oo ku jirta da’da 13 jirka ayaa la kufsada shalay subax galinkii hore waxaana shala Rati looga soo qaada goobtii kufsiga loogu gaystay, waxaana...

Wakaalada Wararka Reuters ayaa saacado kahor daabacday warbixin dheer oo ay ciwaan uga dhigeen: MIDOWGA YURUB Ayaa Xayiray Deeq Uu Siin Jiray Hey’ada Cuntada Adduunka WFP Somalia, Sababo La Xariira Xatooyo Xad-dhaafa. Ururka Midowga Yurub wuxuu sannadkaan Qasnada Hey’ada WFP ku shubay $7 Million Dollar oo loogu talo-galay in deg-deg loogu caawiyo masaakiinti ay abaaruhu...

Baraha bulshada waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday muuqaal kooban oo laga soo duubay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, muuqaalkan ayaana laga dhax arkayay haweeney Soomaaliyeed oo garoonka kasoo degtay iyada oo eey wadata. Muuqaalkan baraha bulshada lagu baahiyay ayaa dhaliyay falcelino kala duwan, waxaana inta badan dadka Soomaaliyeed dhaliileen kana...

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ eek a socda Deegaannada dhaca Koofurta Gobolka Mudug ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku baaqay in la dardargeliyo howlgalladaas. Saabir ayaa Odoyaasha Camaara ka dalbaday in ay dagaalka kusoo biiriyaan 100 wiil oo deegaanka ah oo aqoon u leh Magaaladaas si ay kaalin firfircoon uga qaataan...

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dalbatay in garab istaag loo muujiyo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ Kawada deegaannada maamulkaas. Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamadu ay ku howlan yihiin howlgalladaas oo deegaanno badan ‘AS’ ay ku sugnaayeen looga qabsaday, qorshaha ayaa ah in adeegyada...

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 5 milyan oo gini ka heshay dowladda Ingiriiska, iyadoo loosoo marsiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), si ay ugu taageerto ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. ⓘ Lacagtan ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh...

Wararka ka imaanaya deegaanka Happy Valley oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay labo muwaadin oo Soomaali ah. ⓘ Dilka loo geystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii koox burcad Koonfur Afrikaan ah ay ku weerareen labada muwaadin goob ganacsi oo ay ka shaqeenayeen,...

ciidsamadii looyaqaaney PS ama Gaashhaan ee Mareykanka taba barey oo ka cabanaaya dhibaatooyin dayac ah iyo Musuq iyo Qabyaalad lagu sameeyey halkan ka dhageyso si aad u ogaatid dhibaatada ku dhacdey http://www.reegaay.com/wp-content/uploads/2023/09/CIIDAMADA-GAASHAAN.mp3   ...

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhabad iyo Cadaado ayaa maanta ka qarxay deegaanno hoostaga Dhabad, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Maleeshiyaadka dagaalka u dhaxeeya ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna dagaalkan qarxay xilli ciidamada...

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa  kormeer ugu tagay ciidamada  kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka...