Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa beeniyay in Dowladda Soomaaliya ay wax xiriir diblomaasiyasadeed ah laleedahay Iiran. ⓘ Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda weydiiyay inuu jiro sarkaal katirsan wasaaradda, kaasoo mushaar ka qaata safaaradda Iran ay ku leedahay magaalada...

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay sii deysay gaadiidkii xamuulka ahaa ee todobaayadii lasoo dhaafay ku xayirtay duleedka magaalada Badhaba ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahunta u sheegay in baabuurtan oo u rarneyd ganacsato ay ugu dambeyn gaareen Baydhaba, kadib markii ay fasaxday Shabaab. Arrintan...

Sarkaalkaan ka tirsan dowlada hoose ee degmada Jowhar Daahir Maxamed Kaanti ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar ka mid ah ciidamada dowlada. Qaraxan oo aan si rasmi ah loo shaacin waxa uu ka dhashay ayaa wararka qaar ay sheegayaan...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, taas oo saameysay xubno badan. Laftagareen ayaa wareegtadan ku magacaabay illaa 15 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeeno cusub. Sababta uu is beddalkan u sameeyay madaxweynaha...

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile ,gaar ahaan agagaarka xerada ciidanka milatariga degan yihiin ee lagu magacaabo Bangalo. Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa haleelay gaari la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan maamulka degmada Dayniile , waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay la sheegay in sargaalka...

Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamanka Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo ayaa kulan kula qaatay Deegaanka Xaaji Cali Odoyaasha dhaqanka ee Degma Cadalle iyo Deegaanada Hoosyimaada Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin wasiiro...

Guddoomiyaha gobolka Mandera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in gobolkiisa Mandhera boqolkiiba 60 ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa sheegay joogitaanka kooxda Alshabaab in ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolkiisa. ⓘ Hadalkaan ayuu ka sheegay kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban...

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo mar kale war cusub soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda kala dhexeysay hoggaanka HirShabelle, isaga oo xog ka bixiyay arrinta ay isku qatbeen ee ay kula tageen. Cali Jayte oo weji cusub u yeelatay khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shaaca ka qaday inay isku qabeen arrin ku aadan horumarka shacabka...

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xubin ka ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu taageerayo sidii looga gudbi lahaa Doorasho Dadban loona aadi lahaa mid Dadweyne. Waxa uu soo jeediyay in la joogo waqtigii Dalka lagu qaban lahaa Doorasho Dadweyne si Shacabka uu ugu codeeyo qofka uu u baahan yahay lagana...

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa Hoggaanka Ciidanka Badda Dalkaas u magacaabay Lisa Franchetti oo ah Haweeneydii labaad ee gaartay Derajada Admiral ee afarta xiddig ah si ay hoggaamiso ugu noqoto ciidankaas. Lisa ayaa sidoo kale soo noqotay Madaxii hore ee Guutada 6aad ee Mareykanka iyo Ciidamada Badda Dalkaas ee jooga Dalka Kuuriyada Koofureed, waxaana...